Waxaa shalay dibloofuray Iskoolki Alnajax Boosaaso

Waxaa shalay dibloofuray Iskoolki Alnajax Boosaaso

Waxaa maanta dib xoriyadoodii loogu soo celiyey 5 macalin, Maamulihii Iskuulka Najax iyo 51 ardaydii iskuulkaas ah kuwaasoo ay shalay xabsiga u taxaabeen ciidamada Booliska Gobolka Bari.
Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa degmada Boosaaso ayaa saaka goor hore booqday dugsiga sare ee Najax halkaasoo shalay ay ciidamada Booliska ka soo xireen Maamulihii Iskuulkaas Yaasiin Dhahar, wuxuuna halkaas kula hadlay waalidiinta ardayda, iyo macalimiinta ka hor intii aysanbilaaban,xiisadihii,waxbarashadu.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays ayaa wuxuu raaligelin ka sameeyey dhibaatadii ka dhacday iskuulkaas, iyo in la sii deyn doono, Maamulaha, macalimiinta iyo ardaydalaxiray.
Duqa degmada Boosaaso Eng. Yaasiin Mire Maxamuud ayaa isaguna sheegay in uu ardayda la qaybsaayo dhibaatadii iskuulka dhexdiisa ka dhacday, wuxuuna sheegay in ay ka bixinayaan raali gelin, isagoo iskuulka Najax ku tilmaamay mid ka mid ah iskuulada ugu wanaagsan Puntland, ayna ka soo baxaan sanadwalba Kumanaan arday.
Ustaad Abshir Siciid Faarax oo ah mulkiilaha iskuulka Najax ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay ka qaateen Maamulka Gobolka iyo degmadu oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh, wuxuuna raaligelin u jeediyey dadweynaha Boosaaso dhibaatadii shalay ka dhashay dibadbaxii ardayda aysameeyeen.
Aabe u hadlay waalidiinta ayaa isaguna sheegay in uu shalay goobjoog u ahaa wixii iskuulka ka dhacay, taasoo uu ku tilmaamay wax aan wanaagsaneyn, wuxuuna sheegay in ay qaateen raaligelinta masuuliyiinta maamulka iyo degmada ay u soo gudbiyeen waalidiinta, Maamulka, macalimiinta iyo ardayda dugsiga sare ee Najax.

Waa markii ugu horaysay oo dhacdo noocaano kala ah kadhacdo deegaanada Puntland waxaa kaloo mamnuucka ah goobaha waxbarashada in hub iyo ciidan lageeyo runt taliyaha qaybta oo runta farta lagasaaray wuxuuna ogaaday inuu khaldanyahay falkuu ku kacayna wuxuu kabixiyay raaligalin waxaana laga warsugayaa madaxda ugu saraysa police ka inay hawshaan wax kaqabtaan haday kaqabanwaayana dadka bari dagan ayaa siwadajir ah waxkagaqabanaya.

waxaa sugaan ku cabiray xiritaanki iskuulka iyo dareenla’aanta bulshada Gobolka Bari

Abwaan Qamaan Abdiwaaxid Dhahar Oo Ka Tiriyey Gabey, Xaaladii Shalay Ka Dhacdey Magaalo Xeebeedka Ganacsiga Puntland Bosaaso .Hooyadii puntland Abawaan Abwaan Qamaan Dhahar Muxuu yiri:-

HADUU REER BARI OGAADO
BOOSAASA INAY DEGAAN
HADUU REER BARI OGAADO
INAY BAH WADAAG YIHIIN
HADUU REER BARI OGAADO
INUU IS BAD BAADIN KARO
HADUU REER BARI OGAADO
INAAN BUUR TINLE KUJIRIN
HADUU REER BARI OGAADO
AWOODIYO BAA WIRKIISA
MIYAA BOOSAASA NUURA
BAR BAAR TA ISKUULKA JOOGTA
XABSIGA LAGA BUUXINLAHAA

WELIBA BOOLI WIIL KUJOOGA
BOOSAASANA AAN UDHALAN BAABUUR
CANDHAMEYDLE KA KEENEY MUDUG
BOLIIS MAGACIISA QAATEY MIYEEY
BARYI LAHAAYEEN DUQEYDU INUUSAN
BAR BAARTA XIRIN .

Isagoo dhamaystiran kalasoco qaybaha danbe war

12088298_444204122451196_4823239505224017488_n12118746_444204282451180_1790165428932141088_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *