CABDIWELI SHIIKH AXMED OO KA WAL-WALSAN INAY DOORASHO DHICI WEYDO 2016

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Shiikh Axmed oo socdaal ku jooga Puntland ayaa sheegay iney ka welwelsan yihiin in doorasho dhici weydo 2016, maadama uusan waxba kasoo bixin shirkii madaxda Soomaalida ku yeesheen bishaan gudaheeda magalada Kismaayo.

Cabdiweli waxa uu sheegay inay dhiman yihiin dhowr bilood isla markasna waxa uu tilmaamay inaysan muuqan maadama waxyaabihii aasasiga u ahaa aan ilaa iyo hadda laga shaqayn, waxa uu sheegay inaan weli lagu heshiin qaabkii Baarlamaanka cusub loosoo xuli lahaa.

Arrimaha kale ee weli harsan ayuu sheegay inay tahay dhismaha maxkamaddii dastuuriga ahayd, sharciga doorashada, shirciga la-dagalanka musuq maasuqa iyo mamuladda dalka oo aan weli heshiis ku ahayn guddiga doorashadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Masuulkan oo hadda hoggaamiye u ah madasha midnimadda iyo dimoqraadiaydda ayaa dadaal ugu jira sidii uu mar kale uga soo muuqan lahaa Villa Somalia, isagoona ilaa iyo hadda shirar wadatashiyo ah ka wado Garowe iyo Bosaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *