CULAYS IYO CABSI SOO FOODSAARTAY GANACSIGA BOSASO EE XARUNTA GANACSIGA PUNTLAND

CULAYS IYO CABSI SOO FOODSAARTAY GANACSIGA BOSASO EE XARUNTA GANACSIGA PUNTLAND

Waxaan safarshaqo ugu baxay Magalaada ganacsiga Puntland ee Boosaso asbuucii lasoo dhaafay, waxaay ishayda qabatay isbedelka jira gobaha waa weyn ee ganacsiga ama shirkadaha taas oo aan horay uga jiri jirin goobaha ganacsiga Puntland, arinta soo korortay oo ah ciidamo maleysho ah la hordhigay mehraddaha iyo bakhaarada waaweyn oo koox koox u fadhiya aadna u hubaysan hadan dhiiloon.

Hadii aan arintii baaray ama mehradaha cida iskaleh raadiyey wexeey noqotay lababeelood oo walalo ah oo shaqaaqadii Bosaso ka dhacday aysaameysey dadna iskaga dhinteen. arintaas oo weli aan laxalin Beelihiina kala cabsanayaan.

Runtii gacnacsiga Puntland waxaa garwadeen ka ah labadaan beelood oo hadda kala u fooday taas oo culays iyo caqabku ah aminiga guud ee Puntland iyo horumarka ganacsiga Puntland.
Waxaa muhiim ah dadku in ay wadda hadlan oo xaliyaan khalaafka dhexdooda ah waayo noloshu weysocon, waxkasta oo dhaca dhulku waajoogin dadkuna wadda joogin intii Illaahay u qadarey balse waxaa muhiim ah kalsoonidii bulshada ganacsiga in aan dib u soo celino.

TALO SOOJEEDIN AMA BAAQNABADEED
1- Waa in arinta wax garadka Puntland khaasatan gacsatadda labada beeloodka ka soo jeeda xaliyaan arintaan
2- Waa in culimadda arinta loodaayo laguna kalsoonaado
3- Dawladda waa in ay dhex dhexaad ka noqotaa arinta oo isusoo dhoweyso beelaha walalaha ah soona qabataa gacanku dhiiglayaashii iyo taageerayaashii qorsha haan qalafsan
4- Waa in taliyaha Qaybta gobolka Bari laga bedelaa shaqadda waayo lug buu kuleeyahay fidnadaan aabihii fidnada manoqonkaro aabaha nabadda iyo xalinta khilaafka beelaha.
5- Waa in Isimada labada beelood iska arkaan arintaan isuna soo dhoweeyaan wax garadka beelaha

Ugu damayntii xaaladda ay ku sugantahay Bosaaso ama ganacsiga waa dhuxul dambas huwan una baahan in sidda ugu dhaqso baddan wax looga qabto mudnaanta kow waadna lasiiyo
ogaada qofkastaa masuuliyad baa ka saaran arintaan hadii ay fidno dhacdona meelo baddan beeysaamayn hadhehin adiga wax maqabankarto ama kuma khuseyso.

 

Qore Faarax Wadani.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *