WAR SAXAAFADEED uu soo saaray xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha puntland

WAR SAXAAFADEED uu soo saaray xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha puntland

Tix XDXA/XG/028/16                                                                                          Taariikhda:16/4/2016

WAR SAXAAFADEED

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland isaga oo ka duulaya awoodaha shaqo eek u xusan qodobka 118 ee dastuurka Puntland, Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee 2011(Sharci Lr.  11  ee   06/12/11), sidoo kale tixraacaya xeerka kale ee dalka , gudanaaya waajibaadkiisa shaqo  ayuu helay cabashooyin ka dhan ah  laamaha  amniga ee Puntland  gaar’ahaan hawgaladda lagula dagaalamaayo  argagixisada  laguna sugaayo amniga.

Waxaan xogta ku helaynaa in 3dii todobaad ee ugu denbeeyeey hawlgalada amniga ee ka socda Magaalooyinka Bosaso, Garowe, iyo  Gaalkacayo, lagu soo xirxiray dad rayid ah tiradoodu gaarayso 382, oo saldhigyada kujiray mudooyin kala duwan.

Difaacaha Wuxuu Cambaaraynayaa

  • Dilalka argagaxa leh ee loo gaysanayo dadka ka soo jeeda koonfurta soomaaliya.
  • Xariga lagula kaco dadka rayidka ah rag, dumar, caruur ee sifo sharci ah aan loo marayn.
  • Beegsashada aan  kala sooca lahayn ee naf iyo maalba leh dad ka soo jeeda koonfurta soomaaliya  xiliyada ay dhacaan falalka amnidarada.
  • Gelitaanka guryaha iyadoon loo haysan amar maxkamadeed iyo xilliyo aan munaasab ahayn.
  • Dadka hawlgalada lagu soo xirxiro oo la hayo mudo dhaafsan inta sharcigu jideeyey.

Hadaba Difaacuhu wuxuu ka codsanayaa xukuumada in ay:

  1. Tixgaliyaan Xuquuqaha dastuuriga ah iyo xeerarka dalka ee dadka ku nool Puntland
  2. In dadka Saldhigyada iyo xabsiyada  ku xira ee aan Garsoorka  la horgaynin xoriyaddooda loo soo celiyo ama ama sida sharciga waafaqsan eedaha loo  haysto lagu cadeeyo
  3. In la joojiyo dadka sida gaarka ah loo beegsanaayo,  gaar’ahaan dadka reer koonfureedka
  4. Waxaan si gaara ugu qareemaynaa  haweenka ku xiran saldhigyada oo caruurtooda laga soo ka xeeyay walina dambi ku cad aan lagu hayn.

Waxaan  si   gaar  ah xukuumadda iyo hey’adaha amniga uga codsanaynaa in baaritaan lagu sameeyo sifada loo dilay iyo cida falka dilka  gaysatay  laba marxuum ee Gaalkacyo lagu dilay.

 

Shaqo Wacan

Maxamed yusuf Cali

Difaacaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *