COLAAD BEELEEDYO DIB UGA SOO CUSBOONAAD DEEGAAMADA PUNTLAND.

COLAAD BEELEEDYO DIB UGA SOO CUSBOONAAD DEEGAAMADA PUNTLAND.

Sida aan la socono waxaa Colaad beeleedyo ka soo cusboonaadeen deegaamo hoostaga Puntland.
15 – May- 3016 waxaa deeganka Jeded lagudilay laba nin oo ay iska dileen beelo awal halkaas colaad ku dhexmartay balse la heshiisiiyey oo nabd la dhex dhigay. Arintaas oo ilaa hada aan dawlada ka hadlin wax talaabo ah ah aysan ka qaadin taas.
1- June -2016 Waxaa laba nin lagu diley deegaan hoostaga Degmada ufayn arintaasnoo beelo halkaas wada dega ka dhax dhacday balse ilaa hada aan dawlada wax talaabo ah aysan qaadi.
2- June 2016 waxaa nin lagu diley Tuulada 22 ee hoostag degmada Garowe taas ahaa arimo laxiriira aano qabill.
3- June -2016 Waxaa dagaalka dhacay tuulada dharkayngeenyo oo hostagta Degmadda buuhoodle halkaas oo dagaalweynka dhacay oo laba beelood oo walaalo ah u dhexeeya ilaa hada dagaalkii waa socdaa dhimasha waa 15 dhaawaca waa 20 arintaas oo khatarweyn ah hadii aan sida ugu dhaqso baddan wax looga qaban.
Haddaba aaway doorkii dawlada? Aaway xoogagii amniga sugaayey?

Ilaa hada dhacdooyinkaan isdaba jooga wax ay dawlada ka qabatay majirto xataa wasaarada amniga Puntland qoralkama soo saarin meelaha wax ka dheceena ciidan soo qabta gacan ku dhiiglayaashii ummadirin.

Muxuu yahay doorka dawladda mase la sheegankaraa dawlad hadii awoodii iyo aqoontii masuuliyadii halkaas mareyso.

Talasoojeedin.
Waa in dawladda qaadataa masuuliyadeeda oo Amniga sugtaa soona qabataa gacan kudhiiglayaasha iyo fidmo waddayaasha ka maceeysha iska horkeenka beelaha. waxaa ognahay waqtigaan oo dadku wadda hubeysanyahay in si dhaqso ah lagu soo qabto gacanku dhiiglayaasha balse farsamooyin baa jira lagu ciqaabikaro dadkaas sida hoos ku qora.
1- waa in reerkiisa oo dhan lasooxir xiro waayo cidda maalgelineysa ama fududeyneysa waa iyaga oo qarinaaya.
2- Waa in xoolaha hooda dhamaan la la wareego oo ciiddamadda raashin ama qudaar looga dhigo
3- Dhamaan cidii la shaqaysay ama gacan ku siisay in fal dembiyeedkaas dhaco waa in laxira waqti dheer.
4- Waa in ay sal dhigyonl ciidan ka hirgelisaa meelaha fog fog taas oo amniga gacan ka geysaneysa

Ugu damayntii xaaladda hadda dawladda ka muuqata waa in ay iska daawato dhacdooyinka cashuurtana kordhiso oo ashilin uusan baaqan xaalada amnigan sidaas ku socoto iyaga wax masuuliyad ah iska saarayn xaaladda waddanka maraayo

Baaq ay soo saareen beelaha cali saleemaan

13339432_10208410259406917_2991650261165557923_n (1)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *