Links    Wararkii ugu dambeeyey  
 
Abaaji.com
Aflax.net
Afnugaal
Agabso.com
Allmaakhir
Allmudug.org
Allpuntland
allsanaag
Allsomali
Allwadani
Altaqwaa
Badhan-online
BBCSomali
Boocame.com
Burtinle
Cadaado
Calanka
Carmooyin
Dayniile
Dhahar.com
Dhulkeena
Doollo
Gabooye
Galoley
Gedonet
Goldogobsite
Guulane
Hadaaftimo
HadhwanaagNews
Halgannet
HalganNews
Hiiraan.com
Hornafrik
Hornrelief
Idamaale
IQRA
Jamhuuriya
Jammaame
Jarbooleey
Jidbaale
Jowhar
Kismayo
Laasqoray.net
Maakhir
Maandeeq
Markacadey
Mudug-online
Nugaal
Puntlandfuture
PuntlandPost
Qalaafe
Qaranimo
RadioGalkacyo
RadioGaroowe
RadioJigjiga
RadioNugaal
Ramaas Software
Sanaagpost.com
SBC Radio
Shabelle
Somali Press Review
Somalilandorg
Somalitalk
Somaliweyn
Togdheeronlie
Togdheersports
TVsomaliland
VOA SOMALI
Wardheernews
WidhWidh
Yamays
 
Dhalinta Soomaalida maxaa ku dhacay?

Marka la eego dhalinta Soomaaliyeed ee qurba joogta ah, waxaad moodaa in dhaqan gedis weyni ku dhacay, hadey  noqon lahayd xaga la dhaqanka waalidka, ehelka iyo qaraabada kale, hadey noqon lahayd la hadalka iyo la dhaqanka dadka kale ee caadiga ah IWM.


Balse tan ugu daran ee aan anigu la yaabey waxa weeye, in dhalintii Soomaaliyeed xataa ilaaween sidii ay sarweelka u xiran lahaayeen oo aad arkaysid iyaga oo aad moodo in sarweelku ka dhacayo, suun wuu wataa balse uma xirna, hadba dabada ayuu gacanta gelinayaa oo sarweelka markuu is yiraahdo wuu kaa dhacayaa ayuu wax xoogaa kor u soo qaadaya, qaabka socodkiisa waa bedelan yahay oo qayb waxaa ka ah sarweelka oo dhulka aad u jiitamaya oo lugaha ka qabanaya , iyo midkale oo ah iska dhigdhigid uu iska dhigayo qofkale oo uusan ahayn.


Tan layaabka leh waxa weeye, waagii hore waxaan moodi jiray in arintaan ay haysato dadka dhalinta yar oo illaa 16jirka, 14jirka IWM. Balse tan layaabka igu noqotay arintaan kuma eka dhalinta yar ee da’daas aan kor ku sheegnay ah, waxayba u badan yihin rag labaatan (20+) iyo kaweyn ah oo gaaraya illaa 30jir. Qaybtood xaasas iyo caruur bay leeyihiin, hadana kama muuqato, hab dhaqankooda wax shaqo ah kuma laha dhaqanka suuban ee ummada Soomaalida guud ahaan.


Waxaan garan karnaa in dhalinta iyo raga noocaan ah ay raaceen dhaqan xun oo aan ka sugneyn ummada Soomaaliyeed, lagana keenay wadamada dhalintan iyo ragan ay ku nool yihiin ee reer galbeedka.


Waxaa shido ah oo aan la qaadan karin, dadka dhaqan kooda la qaadanayo waa kuwa ugu liida dadka wadamada reer galbeedka ku dhaqan hadey noqon lahayd xag aqooneed iyo xag dhaqaaleba. Waxaa u badan dadka dhaqanka xun ee sarweelka dhulka lagu jiidayo dadka madowga ah ee ku nool wadamada Maraykanka iyo Europe, ahna kuwa heesa ama musiga loo yaqaan Rapka qaada.


Marka waxaa is weydiin leh, maxay u maleeyeen dhalinta Soomaaliyeed in dadkani ku mutaystaan in ay ku daydaan oo raacaan, cilada jirta hal qof oo dhalinta ka mid ah kuuma sheegi karo sababta uu isugu ekeynayo nin asaguba meel hoose kaga jira dadka uu ku dhexnool yahay. Ma doonayo inaan taariikhda dadka madow ee America iyo Europe ka sheekayo balse waad garan kartaa sidii lagu geeyey wadamadaas iyo sidii loola dhaqmay taas oo in badan oo ficiladooda ah ka tarjumaysa.


Waxaan maqaalkaan yar ku soo gaabinayaa in dhibta jirta ee dhaqan xumada ah ee raga Soomaalida haysata qofkasta meesha uu joogo uu wax uga qabto, laga waaniyo ilmaha dhaqan xumada iyo xirashada dharka aan munaasabka ahayn, la baro in dhaqanka Soomaaliga wanaagsan yahay, Diinteena suuban ee Islaamkuna mamnuucday dharka la jiido ama sida xun loo xirto.


 


SC Yuusuf


London UK.


 


 

         ©2008 Puntland Online.     .