Links    Wararkii ugu dambeeyey  
 
Abaaji.com
Aflax.net
Afnugaal
Agabso.com
Allmaakhir
Allmudug.org
Allpuntland
allsanaag
Allsomali
Allwadani
Altaqwaa
Badhan-online
BBCSomali
Boocame.com
Burtinle
Cadaado
Calanka
Carmooyin
Dayniile
Dhahar.com
Dhulkeena
Doollo
Gabooye
Galoley
Gedonet
Goldogobsite
Guulane
Hadaaftimo
HadhwanaagNews
Halgannet
HalganNews
Hiiraan.com
Hornafrik
Hornrelief
Idamaale
IQRA
Jamhuuriya
Jammaame
Jarbooleey
Jidbaale
Jowhar
Kismayo
Laasqoray.net
Maakhir
Maandeeq
Markacadey
Mudug-online
Nugaal
Puntlandfuture
PuntlandPost
Qalaafe
Qaranimo
RadioGalkacyo
RadioGaroowe
RadioJigjiga
RadioNugaal
Ramaas Software
Sanaagpost.com
SBC Radio
Shabelle
Somali Press Review
Somalilandorg
Somalitalk
Somaliweyn
Togdheeronlie
Togdheersports
TVsomaliland
VOA SOMALI
Wardheernews
WidhWidh
Yamays
 
Madaxweynaha Puntland oo ku sugan garoowe oo maanta kahadlay khilaafkii isaga iyo Sheekh Shariif iyo arimo kale.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta Shir'jara'id ku qabtay xaruunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxaa uu ka hadalay arimo farabadan oo ay kamidyihiin khilaafkii dhawaan soo dhexgalay Puntland iyo Dowladda Somaliya.


Faroole ayaa waxaa uu yiri Puntland wey u madax banaantahay arimaheeda iyo mashaariicda deegaanada Puntland isagoo intaa dabadhigay in magaalada Nairobi uu kula soo kulmay saraakiil ka socota ha'ado kala duwan ku waasoo uu kala hadalay arimaha mashaariicda Puntland, weyna iga aqbaleen ayuu yiri.


Waxaa uu sidoo kale Masuulkan uu soo hadal qaaday arimaha Bur cad badeeda oo siweyn looga dareemayo Deegaanada Puntland gaar ahaan Magaalada Garoowe oo ah caasimaddii Puntland,waxana uu sheegay in maamulkiisa ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax ugu qabanayaan arimaha Bur bad badeedda Somalida ah.


Sidoo kale waxaa jirtay arin muhiim oo laga dhowrayay in uu madaxweynaha ka hadlo taas oo aheyd xaaladda amaan xumo ee kajirta deegaanada ay maamusho Puntland waxaana in ta uu maqnaa masuulkan Puntland ka dhacay Dilal loogeestay Masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo qaraxyo lala beegsado xaruumaha maamulkaPuntland.


Madaxweynaha ayaa mar uu kahadlayay xaaladda amaan xumo waxaa uu yiri Puntland waxaa ay Xilligan u baahantahay in laga shaqeeyo amaankeeda islamarkaana laga hortago dhibaatada xooggan ee kajirta Puntland isagoo Saraakiisha ciidamada puntland ku amraya in xil iska saaraan amaanka deegaanka.


Sikastaba ha ahaatee Masuulkan Xalay soo gaaray Magaalada Garoowe ayaa laga sugayay in uu kahadlo arrimaha amaan ee Puntland oo u muuqda in ay faraha ka siibaxaday.


Axmed Xasan Ibraahin(Axmed yare)


axmedyare20s@hotmail.com


Tafa tiraha Guud ee Puntlandonline


 

         ©2008 Puntland Online.     .