| Kooxo hubaysan oo toogasho ku Dilay Sargaal ka tirsan Ciidamda ammaanka ee Magaalada Qardho. |
C/casiis Cusmaan Faarax waxaa uu kamid ahaa Saraakiisha ciidamada Puntland waxaana xalay lagu tooktay magaalada Qardho ee Gobalka kar kaar. in kastoo ay san jirin war ka soo baxay Saraakiisha ciidanka ee magaalda qardho,ayaa waxaa jirta warar dheeraad ah oo aan ka helnay magaalda qardho, kaa soo sheegay in uu dilka dhacay islamarkaana ay Sargaalkaasii ay toogteen kooxo hubeysan. Kooxahaasii ayaa dadka deegaanka waxaa ay tilmaameen in ay u baxsadeen dhinca Bari ee magaalada Qardho. Magaalada ayaa waxaa laga dareemayaa howlgallo ciidan oo ay wadaan ciidamo tirsan Booliska magaalada Qardho,iydoo dadka deegaanka ay cabsi la soo gudboonayay. maanta ayaa ciidamo aad u farabadan waxaa lagu arkayay gudaha magaalada iyagoo baaritaano sameynaya. Waa Sargaalkii labaad ee lagu dilo gudaha magaalada Qardho tan iyo markii nabad galyo xumida laga dareemay Deegaanada Puntlan. Puntlanonline kala Soco Wararkii Somaliya iyo Caalmkaba |


