| Dowldda Gariiga oo beenisay in la aftuubtay markab laga leeyahay wadankeeda. |
Saraakiil ka tirsan ciidamda badda ee wadanka Gariiga ayaa beeniyay warar sheegayay in markab laga leeyahay wadanka Gariiga ay qafasheen kooxo Bur cad badeed Somali ah. Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in markab laga leeyhay Gariiga aanu la afduuban laakiin waxa ay uu xuseen in kooxaha burcda badeeda ah ay weerreen markabkaasii hasa ahaatee uu ka bad baday. waxaa sidoo kale ay beeniyeen Saraakiishu ay sheegeen in weerarkaasii uu dhacay 16 bishan Nuvembar oo ku beegneyd maalintii khamiista ee aanu ka soo gudubnay. Hadalkan ay Saraakiisha badda ee Gariiga ay beeniyeen ayaa waxaa uu ka soo baxay xafiiska Badmareenada Bariga Africa ee ku yaala magaalada Nairobi ee wadanka kenya. Axmed Xasan Ibrahin(Axmed yare) axmedyare20s@hotmail.com Tafaftiraha Guud ee Puntlandonline |


