| Isbitalka weyn ee magaalada Garoowe oo laga dareemayo dhaqdhaqaaq shaqo oo aad u sareeya tan iyo markii loo magacaabay agaasimaha cusub (maxamed xasan carabey) |
Isbitaalka guud ee magaalada garowe ayaa dardar gelin shaqo muujiyey taniyo markii loosoo magacaabay agaasimaha cusub e lugu magacaabo Dr:maxamed xassan carabey waxa uuna Isbitaalku ka soo baxay howlihii shaqo ee looga baah naa iya doona iIsbitaalka laga soo aado meela badan oo kamidah deegaanada puntland isla markaa lugu sameeyey kor u qaadis wanaagsan waxaana marqaati u ah taas bukaanada lakeeno Isbitaalka oo marka aad wareysato kuu sheegaya in wax loogu qabto sidii ay ku qanac sanyihiin dhaqaatiirta kahowl gashana ayihiin kuwo aqoon u leh shaqada ay bulshada u hayaan. Dhanka kale marka aad tagto xafiisyada Isbitaalka waxaad ku ar keysaa dad weyne aad iyo aad umashquulinaya xafiisyada uu leeyahay Isbitaalka. Waxa uu sidoo kale ispitaalku ku guuleystay inay xafiisyadiisa ka shaqeeyaan dad aqoon buuxda u leh shaqada ispitaalka qancinkarana dadka ugu taga xafiisyada. Sidookale dadka bukaaka ah ee la keeno ispitaalka waxa ay daawada ka qaataan gudha ispitaalka. Sidookale waxa uu ispitaalku gacan siin weyn ka helay dawladda puntland oo markasta u taagan hormarinta bulshadeeda hadana ispitaalku waxa uukamidyahay Meelaha hal bowlaha u ah dadweynaha reer puntland maadaama uu ka midyahay goobaha caafimaad ee ugu waaweyn puntland,isla markaana bishiiba lugu daaweeyo bukaano gaaraya boqolaal qof oo laga keeno gobolo badan oo ka mid ah wadanka soomaaliya. Dhankakale waxaa lugu sameeyey ispitaalka dhisme cusub hadey ahaan laheyd dhanka musqulaha iyo hadday ahaan lahayd korantada ispitalka, taa soo caawinysa bukaanka iyo Shaqalaha Isbitaalka. haddaba sida aad arkeysaan halkaani waa xafiiska xisaabaadka waxaana ka shaqeynaya dad aqoon buuxda u leh howlahaan Caafimaad.
halkaanina waa xafiiska agaasimaha ispitaalka guud ee magaalada garoowe Dr maxamed xssan carabey oo sidaa ujeedaan u shaqeynaya .
Sikstaba ha ahaatee Isbitaalka Weyn ee magaalada Garoowe ayaa Shaqada uu u hayo Bulshada Somaliyeed gaar ahaan Dadka ku dhaqan Puntland siwen loo amaanay iyadoo ay jiraan dad si gooni ah ugu mahad Cilanayay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka. Cabdi Xasan Rooble awoowe Wariyaha arimaha Bulshada ee Puntlandonline.com |




