Dowladda Maraykanka oo sheegtay in ay duqeyn ka fulisey Calmiskaad

Share this Post

Dowladda Maraykanka, gaar ahaan Taliska Ciidamada Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayaa shaaciyey in ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saareen taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta si gaar ah loogu beegsaday maleeshiyaad Daacish ah oo ku dhuumaalaysanayey buuraha Golis, gaar ahaan deegaanka Calmiskaad.

Taliska ayaa xusay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo bartilmaameedka uu ahaa shabakad hubeysan oo ku sugneyd godad ku yaalla togga Baalade.

Ilo amni oo ka tirsan howlgalada ayaa xusey in weerarku uu ka dhacay godad ku yaalla buuraleyda Calmiskaad gaar, aahan togga Baallade. Godadkaasi ayaa lagu tilmaamay meel ay ku go’doonsanayeen xubno muhiim ah iyo horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda argagixisada Daacish.


Share this Post