Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Wasiirro Cusub
Muqdisho, Sabti, 27 Luulyo 2024
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay magacaabidda xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa ah mid ku saleysan waajibaadka Dastuuriga ah ee ku xusan qodobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurka KMG ah, iyo tixgelinta talooyinka Madaxweynaha JFS.
Magacaabistan ayaa ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo hawlaha baaxadda leh ee hor-yaalla Xukuumadda, isla markaana lagu hormariyo adeegyada bulshada iyo difaaca dalka. Xubnaha cusub ee la magacaabay waa kuwa soo bandhigay karti iyo hufnaan shaqo, waxayna kala yihiin:
1. Mudane Gen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Gen. Bashiir wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ballaaran oo dhinaca xuquuqda aadanaha iyo horumarinta qoysaska Soomaaliyeed. Waxuu horey u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka booliiska.
2. Mudane Cumar Cali Cabdi – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.
3. Mudane Siciid Maxamed Maxamuud (Xayd) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.
4. Mudane Maxamuud Cabdicqaadir Xaaji (Jeego) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la dar-dar geliyo hawlaha muhiimka ah ee hor yaalla Xukuumadda, si loo gaaro himilooyinka qaranka iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed. Magacaabistan cusub ayaa la rajeynayaa inay kor u qaaddo hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha dowladda.