Deeqda Imaaraatka iyo Damaca Qoyska Madaxweyne Deni
Dawladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa dhowaan deeq muhiim ah u qoondeysay Maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Bosaso. Deeqdan oo ka timid Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi, ayaa loogu talagalay in lagu taageero mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha warshad koronto (solar plant) oo awooddeedu gaarsiisan tahay 3.5MW, horumarinta dekedda Bosaaso, iyo tababarka ciidanka badda ee PMPF.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxaya warar xooggan oo la xiriira in deeqdii Imaaraatka ee loo qoondeeyey horumarinta bulshada Bosaaso ay gacanta u gashay qoyska Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Gaar ahaan, waxaa la sheegay in walaalkiis Xasan Deni, oo wakiil ka ah qoyska, uu saami gaar ah ka helay, iyagoo lacageysanaya deeqda Imaaraatka iyo tan bulshada Bosaaso.
Arrintan ayaa dhalisay walaac xooggan oo ku aadan in deeqdii loogu talagalay bulshada ay noqotay hanti gaar ah oo loo leexsaday dano shakhsi ah.Waxaa la soo sheegayaa in qoyska Madaxweyne Deni uu aasaasay shirkad wadaag ah oo lagu magacaabo PEPCo, taas oo ay ku bahoobeen shirkado hore uga jiray magaalada Bosaaso.
Shirkaddan ayaa la sheegay inay heshay deeqda Imaaraatka iyo dhulkii shacabka ku tabaruceen, kaas oo asal ahaan loogu talagalay in laga faa’iideeyo bulshada inteeda badan. Nasiib darro, dhulalkaas ayaa noqday hanti gaar ah, waxaana baaqyo adag loo diray dowladda Puntland si ay u hubiso in deeqdaasi loo adeegsado ujeeddooyinkii asalka ahaa ee loogu talagalay.Dadweynaha Bosaaso oo horay u bixiyey dhul ballaaran oo lagu fuliyo mashaariicdan, ayaa hadda dareemaya cabsi iyo walaac xooggan oo ku saabsan in qorshayaashii lagu horumarin lahaa gobolka aan si caddaalad ah loo fulin.
Nabadoon Cabdilqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) ayaa sheegay in dhulkii loogu talagalay mashaariicda horumarinta bulshada loo adeegsaday dano gaar ah, taas oo aan la aqbali karin.Nabadoon Xarago, isagoo hadalkiisa wata, wuxuu sheegay:
“Shacabka Bosaso waxaa la gudboon inay si wadajir ah u istaagaan, ayna xaqiijiyaan in dhulkii lagu tabarucay sida ku habboon loogu faa’iideeyo shacabka Bosaso, lana hubiyo in deeqdan Imaaraatka ee walaalaha Carbeed loo adeegsado sidii loogu talagalay, xilli ay baahi weyn u qabaan helista koronto jaban iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale sida dekedda iyo gegida diyaaradaha ee Bosaaso.
“Hantida ka timid Imaaraatka ayaa ah mid ballaaran oo aan ku koobnayn dhismaha korontada, balse waxaa sidoo kale ka mid ah maalgashiga dekedda iyo gegida diyaaradaha ee Bosaaso kuwaas oo iyagana laga dhex sameeyey adeegyo gaar ah oo ay qoyska madaxweynuhu gaar u leeyihiin.Waxaa lagama maarmaan ah in deeqdu ay noqoto mid shacabka oo dhan ka faa’iidaystaan, ayna ka qeyb qaataan fulinteeda dadweynaha gobolka oo dhan.