Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ku dhawaaqay taariikhda doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir

Share this Post

Muqdisho: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta dhexe ee Guddiga ku shaaciyey jadwalka rasmiga ah ee doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in shacabka ku nool Gobolka Banaadir ay 25-ka bisha soo socota u dareeri doonaan doorasho qof iyo cod ah, si ay u doortaan xubnaha hoggaamin doona golayaasha deegaanka. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in Guddigu diyaarinayo dhammaan hannaanadii lagu xaqiijin lahaa doorasho hufan, xor ah, isla markaana ammaan ah.

“25-ka bisha soo socota shacabka Gobolka Banaadir waxay ka qeyb qaadan doonaan doorasho qof iyo cod ah oo ay ku dooranayaan mas’uuliyiinta golaha deegaanka,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan.

Dhinaca kale, xisbiyada siyaasadeed ee ka qeyb galaya doorashada golayaasha deegaanka ayaa si xooggan uga wada ololeynaya deegaanada Gobolka Banaadir, iyaga oo shacabka ka codsanaya inay taageeraan barnaamijyadooda iyo musharraxiintooda.


Share this Post