Puntland oo la wareegtay gacan ku haynta saldhigii ugu dambeeyay ee Daacish

Share this Post

Ciidamada difaaca Puntland ayaa si buuxda gacanta ugu dhigey saldhig muhiim ah oo ay kooxda argagixisada Daacish ku lahayd buuraleyda Calmiskaad gobolka Bari, gaar ahaan agagaarka togga Miraale, iyagoo dhammaystiray wejigii saddexaad ee howlgalka Hilaac.

Weerarkan, oo loo adeegsaday duqeyn cir iyo dhul ah, ayaa lagu burburiyey xarumo istaraatiiji ah oo ay ku dhuumanayeen firxadka kooxda Daacish. Ilo ka tirsan saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in ceelal iyo goobo muhiim u ahaa isku xirka kooxdaas ay hadda si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidanka Puntland.

War-saxaafadeed kooban oo ay baahiyeen ciidamada difaaca  ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah, iyadoo si gaar ah loo burburiyey goobihii ugu dambeeyay ee ay ku sugnaayeen haraadiga kooxdu.

Dagaalyahano tiro yar oo ka badbaaday weerarka ayaa la rumeysan yahay inay u firxadeen dhanka togga wayn ee Baalade, gaar, ahaan degaanada Sadow iyo Yucurun oo ahaa deegaanno ay horay uga howlgalayeen xubno sarsare oo katirsan kooxda.

Hawlgalka Calmiskaad ayaa qayb ka ah istaraatiijiyadda Puntland ee lagu ciribtirayo kooxaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland, waxaana la filayaa in howlgallo cusub laga fuliyo deegaannada ay wali kooxdaasi ku dhuumaaleysaneyso


Share this Post