Israa’iil oo Dagaalka Gaza U Adeegsaneysa Ciidamo Afrikaan ah
Warbixino ay sameeyeen oo lagu daabacay wargeysyada kala ah Haaretz iyo Middle East Eye ayaa soo bandhigay qorshe muran badan dhaliyay oo ah in Israa’iil ay qaxooti Afrikaan ah u adeegsaneyso dagaalka ka socda marinka Gaza, iyadoo u ballanqaadaysa degenaansho sharci ah haddii ay oggolaadaan inay ka qayb qaataan hawlgalladaas.
Qorshahan ayaa saameyn gaar ah ku yeeshay qaxootiga ka soo jeeda waddamada afrikaanka ah sida Ereteriya iyo Suudaan kuwaas oo muddo sanado ah ku noolaa Israa’iil iyaga oo aan haysan wax sharci rasmi ah ama degenaansho.
Qaxootigan oo horey u wajahayey duruuf adag iyo dhibaatooyin nololeed ayaa ugu dambeyntii lagu qasbay inay ku biiraan dagaalka. In ka badan 30,000 oo qaxooti Afrikaan ah ayaa ku nool Israa’iil, kuwaas oo badankood ka soo cararay dagaallada iyo dhibaatada ka jirta dalalkooda.
Dadkan waxay sanado badan ku jogeen Israa’iil iyagoo aan heysan wax sharci rasmi ah ama degaansho, sidoo kale dadkan aayaan loo oggoleyn wax xuquuq ah sida degenaansho ama shaqooyinka rasmiga ah iyagoo keliya qabta shaqooyinka beeraha iyo nadaafada. Sidoo kale waxay la kulmaan takoor iyo cadaadis badan oo dhanka bulshada ah, iyadoo mararka qaar loogu hanjabey in laga musaafurin doono dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale ayaa marar badan qaxootiga Afrikaanka ah ugu yeeray “dad soo duulay”, taas oo sii hurisay nacaybka iyo takoorka ay wajahayaan dadkaasi. Israa’iil wax xal rasmi ah uma helin dhibaatada qaxootigan heysata, iyadoo dad badan oo reer Israa’iil ah ay u arkaan inay halis ku yihiin nabadgelyada iyo horumarka bulshada yuhuuda.
Xaaladda qaxootiga Afrikaan ah waxay sii adkaatay markii ay kordheen dagaallada ka socda marinka Gaza. Bishii July 2024, Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Israa’iil uu si degdeg ah ugu baahan yahay 10,000 askari oo dheeraad ah si loo xoojiyo dagaalka ka socda marinka Gaza ee ay kula jiraan Xamaas. Warbixinnada ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga Afrikaan ah loo soo bandhigay fursad ay ku heli karaan sharci degenaansho, hase ahaatee waa inay marka hore ka qayb qaataan hawlgallada halista ah ee ka socda Gaza.
Qaxootiga la qortay waxaa loo marinayaa tababar soconaya muddo labo toddobaad ah, ka hor inta aan loo dirin goobaha dagaalka. Warbixin laga soo xigtay qaxooti magaciisa qariyey ayaa sheegay in loo ballan qaaday in haddii uu tababarka dhameeyo, uu heli doono sharci rasmi ah oo degenaansho ah.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo sharci yaqaanada ayaa si xooggan u cambaareeyey qorshahan qorista magan gelyo doonka. Waxay sheegeen in Israa’iil ay ka faa’iideysanayso baahida iyo duruufaha adag ee qaxootiga ka soo cararay colaadaha dalalkooda kasocda, iyaga oo ku khasbaya inay galaan dagaalo halis ah oo ay noloshooda ku waayi karaan.
Waxaa intaa dheer in qaxootiga la qoray ee dagaalka galey aysan weli helin sharciyadii loo la ballan qaaday, taas oo dhalisay shaki ah in ballanqaadyadaas aan la fulin doonin.
Inkastoo qorshahan uu salka ku hayo baahi iyo fashil dhanka ciidanka ah oo ay Israa’iil wajaheyso, hadana Qaar ka mid ah dadka ka faallooda arrimaha militariga waxay sheegeen in qorshahan uu dhiirigelinayo siina hurinayo dhibaatada lagu hayo bulshooyinka soo galootiga ah si loogu isticmaalo dano gaar ah.
Qoraashan qaxootiga lagu askareynayo wuxuu si weyn u saameeyey doodaha ka dhex jira bulshada Israa’iil, gaar ahaan kuwa la xiriira siyaasadda qaxootiga iyo socdaalka. Siyaasiyiinta qaarkood ayaa xoojiyay nacaybka ay u qabaan qaxootiga Afrikaan ah, iyaga oo ku dooday in joogitaanka dadkaasi ay khatar ku tahay nabadgelyada iyo horumarka Israa’iil.
Tan iyo markii uu bilowdey dagaalka ay kula jirto Israa’iil Xamaas waxaa marinka Gaza lagu diley sadex qof oo Afrikaan ah kuwaas oo ka bar bar dagaalamayey ciidanka Israa’iil. Qorashada qaxootiga Afrikaan ah gaar ahaan kuwa ay Israa’iil u dirtay dagaalka Gaza ayaa si wayn u bedelay sidii loo arki jiray dadka qaxootiga ah. Inkastoo Israa’iil ay sheegtay inay u baahan tahay ciidan dheeraad ah, haddana dadka dhaleeceeya waxay ku eedeeyeen Israa’iil inay ka faa’iideysanayso dadka nugul.