NISA oo gobolka Hiraan ku dishey horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Share this Post

Hiiraan – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal milatari oo qorsheeysan, ka fuliyay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaasi ayaa lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdullaahi Dalab, loona yiqiin “Caamir.” Dalab ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu saameynta badnaa ee kooxda, isagoo hoggaaminayay unugga loo yaqaan Amniyaadka ee ka howlgalayay gudaha Hirshabeelle.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga, Xuseen Dalab waxa uu door toos ah ku lahaa abaabulka iyo fulinta falal argagixiso oo lagu beegsaday dad rayid ah iyo saraakiil dowladeed, taas oo bulshada deegaanka ku reebtay cabsi iyo khasaare nafeed oo ba’an.

Howlgalka lagu dilay ayaa ah guul istaraatiiji ah, maadaama uu meesha ka saaray shakhsi muddo dheer caqabad ku ahaa xasilloonida Hirshabeelle. NISA ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto hawlgallada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo wada shaqeyn dhow oo lala yeesho saaxiibada caalamiga ah.

Tallaabadan ayaa ka mid ah istaraatiijiyad ballaaran oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso iney ku xaqiijiso yoolka ah in dalka laga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.


Share this Post