Ciidamada Daraawiishta Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka ka Dhanka ah Daacish
Bari Puntland Somalia – Ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgal qorsheysan oo socday muddo labo maalmood ah ka fuliyay buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari, halkaas oo ay dagaal culus kula galeen kooxda argagixisada Daacish.
Howlgalkaan, oo si gaar ah loogu beegsaday degaano iyo saldhigyo ay argagixisadu kaga sugneyd buuraleyda, ayaa lagu dilay in kabadan 60 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo intooda badan ay ahayeen Ajaaniib. Sidoo kale, ciidamada ayaa soo bandhigey hub iyo saanad ciidan oo ay ka qabsadeen kooxda..
Saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ayaa ku waramey in ay kala wareegeen argagixisada saldhig istiraatiiji ah oo Daacish muddo dheer u ahaa difaac. “Meeshan waxay u ahayd xudun difaac, waxaana qorshahoodu ahaa in aysan ka bixin ama lagasoo gudbin, balse ciidamada difaaca Puntland ayaa bur buriyey qorshahooda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha.
Khasaaraha Dagaalka
Dagaalka ayaa sababay khasaare kala duwan, waxaana la xaqiijiyay in 60 dagaalyahan laga diley kooxda Daacish, kuwaas oo intooda badan ay ahaayeen ajnabi aan u dhalan Somalia.
Dhinaca kale Sarkaal katirsan ciidanka difaacaa Puntland ayaa sheegay in kooxda Daacish aysan oggolayn in dagaalyahannadooda la qabto iyagoo nool, taasoo keentay in dhaawacyadooda ay iyagu dilaan. “Dhammaantood waxaa ku xiran walxaha qarxa, markay dhaawacmaan way isdilaan,” ayuu yiri sarkaalku.
Dhanka ciidamada Puntland, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 askari, oo uu kamid yahay Mukhtaar Axmed Faarax Qoryood (Gaagaale) kaas oo ahaa taliyihii ururka Dhiirane ee ciidanka Daraawiishta Puntland. halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 70 askari
Ciidamada Puntland oo Ballan-qaaday Ciribtirka Daacish
S/Guuto Ciise Maxamuud Yuusuf (Ciise Yulux), oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka Hilaac ee ka socda Calmiskaat, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu sii socon doono ilaa kooxdan laga ciribtirayo guud ahaan Puntland.
Jeneraal Ciise Yulux, oo ka hadlayay goob ay ciidamada Puntland ku dileen dagaalyahanno ajnabi ah, ayaa ballan-qaaday in firxadka harsan ee Daacish aysan ka badbaadi doonin ciidamada difaaca Puntland. “Qof nool oo argagixiso ah ma sii joogi doono Puntland. Kuwii dhintay waa dhamaadeen, kuwii firxadayna waa la qabanayaa, si sharciga loo horgeeyo,” ayuu yiri Ciise Yulux
Wuxuu sidoo kale xusay in ay ka go’an tahay ciidamada difaaca Puntland in ay sugaan amaanka deegaannada laga saaray argagixisada Daacish, si aysan dib ugu soo laaban. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaalka Puntland kula jirto kooxaha argagixisada ah