Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay halyeeyada kubadda cagta Afrika

Share this Post

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay saddex kamid ah xiddigihii ugu caansanaa kubadda cagta Afrika, kuwaasoo booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Xiddigaha booqashada ku yimid Soomaaliya ayaa kala ahaa Samuel Eto’o oo ah Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon una soo ciyaaray kooxaha waaweyn sida FC Barcelona, Inter Milan, Chelsea, iyo Everton; Emmanuel Adebayor oo u dhashey xulka qaranka Togo, una soo ciyaaray kooxaha Arsenal, Manchester City, Real Madrid, iyo Tottenham Hotspur; iyo Jay-Jay Okocha, oo ah ciyaar yahan u dhashey dalka Nigeria, kaas oo caan ku ahaa xirfaddiisa cajiibka ah, kana tirsanaa kooxaha Paris Saint-Germain, Fenerbahçe iyo Bolton Wanderers.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey xiddigahan caalamiga ah booqashadooda, isagoo sheegay in booqashadooda ay caddeyn u tahay kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo horumarka ka socda Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda isboortigu u leeyahay midnimada bulshada, dhiirrigelinta dhalinyarada iyo soo celinta sharafka qaranka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta South Sudan Augustino Maduot Parek, iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.


Share this Post