Falastiiniyiinta Qaza oo La doonayo in Losoo tarxiilo Soomaaliya.
Sida ay qortey wakaalada wararka (AP) Mareykanka iyo Israa’iil ayaa la xiriiray mas’uuliyiin ka tirsan dalalka Suudaan, Soomaaliya, iyo maamulka Somaliland si ay ugala hadlaan suuragalnimada in dhulkooda loo adeegsado dib u dejinta Falastiiniyiinta la doonayo in lagasoo barakiciyo Marinka Qaza, sida ay werisay wakaaladda wararka AP oo soo xiganeysa saraakiil Mareykan iyo Israa’iiliyiin ah.
Sida werineyso (AP) dalka Suudaan ayaa si cad isaga diiday qorshahan, halka mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay sheegeen in aysan wax war ah u haynin arrintaas.
Suudaan oo ay kasocdaan dagaalo sokeeye oo barakiciyey inka badan 12 milyan oo qof, isla markaana sababey macluul baahsan, ayaa iska diidey qorshahaan ay wadaan Mareykanka iyo Israa’iil ee la doonayo in Falastiniiyinta losoo barakiciyo dhulkooda.
Dhinaca kale, horaantii bishan, madaxda dawladaha Carabta ayaa ansixiyey qorshe ay soo diyaarisey dawlada Masar, kaas oo ku saabsanaa dib u dhiska marinka Qaza iyadoo aan la barakicineyn dadka halkaas ku nool, qorshahaan ay soo diyaarisey Masar ayaa waxaa taageeray hoggaamiyeyaasha carabta oo ay kujiraan dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa soo jeediyay in Falastiiniyiinta Qaza si rasmi ah looga raro dhulkooda, halkaasna Mareykanku uu la wareego. Trump wuxuu sheegay inuu damacsan yahay in Qaza laga dhigo magaalo dalxiis oo uu Mareykanku leeyahay.
Qorshahan ayaa si weyn uga careysiiyey shacabka Falastiin, iyada oo inta badan dalalka caalamku ay si adag u diideen.
Dagaalka marinka Qaza ayaa bilowday kadib markii Xamaas ay weerar ku akeysay koonfurta dhulka ay Israa’iil heysato 7-dii Oktoobar 2023, weerarkaas oo lagu dilay qiyaastii 1,200 oo qof Israa’iiliyiin ah, isla markaana lagu qafaashey 250 kale, sida ay sheegtay Israa’iil. Kadib weerarkaas Israa’iil waxey dulaan ku qaadey Qaza iyadoo geysatey xasuuq baahsan oo ay ku dhinteen in ka badan 48,000 oo Falastiiniyiin ah, halka ku dhaawacmeen in kabadan 106,00 qof sida laga soo xigtey wasaarada caafimaadka Marinka Qaza.