Taliyaha Booliska oo ka hadlay amniga Muqdisho, kana digay qalalaase iyo ku takri-fal dhulka danta guud

Share this Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa maanta ka hadlay xaaladda amni ee Muqdisho iyo kuwa wiiqaya amniga caasimada.

Taliyaha ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo loogu talagalay taliska guud ee qaybta booliska gobolka Benaadir. Dhismahan wuxuu qayb ka yahay qorshaha lagu kordhinayo awoodda hay’adaha amniga iyo adeegyada bulshada.

Diyaano wuxuu cambaareeyay dadka abaabula qalalaasaha iyo faafinta warar aan la xaqiijin. Wuxuu sheegay in ficilladaas ay dhaawacaan hawsha dowladda ee ku aaddan xasillooni iyo maamulka caasimadda. Wuxuu ku adkaystay in la dhowro nidaamka iyo kala dambaynta.

Taliyaha wuxuu sheegay in dhulka danta guud aan loo wareejin karin qof ama ganacsi gaar ah. Wuxuu bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan degganaansho iyo iskaashi amni.

“Dhulka danta guud cid gaar ah looma wareejiyo. Qaylada iyo falalka carqaladeeya amniga waa in la joojiyaa. Dhulku wuu ku filan yahay bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Diyaano.

Qorshaha dhismayaasha cusub ee booliska wuxuu ahaa mid ka mid ah ballamaha uu bixiyay markii uu xilka la wareegay. Muddada kooban ee uu joogo waxaa muuqda horumar ku saabsan xarumaha adeegga amniga


Share this Post