Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka oo Magacaabay Guddiga Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo
Muqdisho (Puntland Online) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xilsaaray dardargelinta dhismaha maamulka SSC-Khaatumo.
Sida ku cad wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Wasiirka, waxaa guddoomiyaha guddigan loo magacaabay Dr. Axmednuur Maxamed, halka uu ku xigeenkiisa noqonayo Cabdinasiir Xaaji Maxamed.
Xubnaha kale ee guddiga ayaa kala ah:
Axmed Shire Axmed
Carafaat Cali Maxamed
Axmed Yuusuf Maxamuud
Rufaci Maxamed Salaad
Maxamuud Siciid Nuur
Fadumo Cabdi Cali
Guddigan ayaa si gaar ah uga shaqeyn doona hawlo la xiriira:
Talo-bixinta iyo fududeynta dhismaha maamulka deegaanka,
Isku xirka hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka,
Diyaarinta iyo soo gudbinta warbixinno joogto ah oo la xiriira horumarka howlaha.
Wareegtada ayaa sidoo kale qeexday in muddada uu guddigani shaqeyn doono ay sii jiri doonto ilaa laga dhameystirayo maamulka rasmiga ah ee SSC-Khaatumo. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa faray in guddigu si toos ah ula xisaabtamo Wasaaradda, iyagoo warbixinno bille ah ka soo gudbin doona heerarka shaqo ee ay qabanayaan.
Magacaabista guddigan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolka Sanaag, taas oo u dhaxeysa Puntland iyo qaar kamid ah dadka deegaanka oo doonaya in gobolka lagu daro maamulka cusub ee la dhisayo ee SSC-Khaatumo. Puntland ayaa arrintan ku tilmaantay faragelin ka dhan ah maamulka iyo xasiloonida deegaannadeeda, iyadoo si cad ugu eedeysay dowladda dhexe in ay hurineyso xasillooni-darro siyaasadeed oo ka dhan ah jiritaanka iyo madax-bannaanida maamulka Puntland