Hay’adda NIRA oo Beenisay Eedeymaha Uga Yimid Puntland
Gaalkacyo – 23 Maarso 2025 – Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga jawaabtay eedeymo uga yimid dawlad goboleedka Puntland, kuwaas oo la xiriira xarunta ay haayadu dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee qeybta Galmudug.
Warsaxaafadeed ka soo baxay hay’adda NIRA ayaa lagu sheegay in eedeymaha la xiriira in degaanno ka tirsan Puntland lagu daray maamulka Galmudug ay yihiin kuwa aysan waxba jirin, isla markaana hay’addu aysan wax go’aan ah ka gaarin.
“NIRA waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxey NIRA.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in wararka la isla dhex marayo baraha bulshada ee sheegaya in degmooyinka Galdogob iyo Jarriiban loo wareejiyay Galmudug uu yahay been-abuur, iyadoo farta ku fiiqday in foomamka rasmiga ah laga heli karo kaliya website-ka hay’adda iyo xarumaheeda dalka ku yaalla.
“Foomka baraha bulshada lagu faafiyay waa mid been-abuur ah. Foomamka saxda ah waxaa laga helaa websaytka rasmiga ah ee hay’adda iyo xarumaheeda dalka oo dhan,” ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka NIRA.
Sidoo kale, NIRA waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in hawlaheeda ay u fuliso si waafaqsan dastuurka iyo xuduudaha rasmiga ah ee federaalka Soomaaliya, ayna ku dadaalayso in adeeggeeda ay gaarsiiso dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Hay’addu waxay xustay in xarunta Gaalkacyo ee Galmudug ay qeyb ka tahay qorshaha guud ee dowladda Federaalka ee lagu daadejinayo adeegyada dowladda, islamarkaana aysan wax shaqo ah ku lahayn arrimaha xuduudaha dowlad goboleedyada.
Ugu dambeyn, NIRA ayaa shacabka ugu baaqday in ay ka feejignaadaan wararka lagu marin habaabinayo ee lagu faafiyo baraha bulshada, iyadoo xustay in dhammaan adeegyada kaararka aqoonsiga Qaranka si cadaalad ah loogu fidin doono shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan