Xubno Ka Mid Ah Koox Magaca Daacish Ku Dhibaateeya Ganacsatada Soomaaliyeed oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho
August 5, 2024
Hay’adaha Amaanka Soomaaliya ayaa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ku qabtay nin khatar weyn ku ahaa bulshada Puntland, gaar ahaan ganacsatada Boosaaso. Ninkan ayaa ka mid ahaa shabakad ka kooban 17 dhagarqabe, oo 3-dii sano ee la soo dhaafay magaca Daacish/ISIS kaga aruursatay ku dhawaad 4.7 milyan oo doolar ganacsatada reer Boosaaso ee Dowlad Goboleed Puntland iyo Koonfurta Soomaaliyeed.
Jaabir Yaasiin Axmed Ismaaciil Calasoow, oo 29-jir ah, Ina Mahado C/laahi Yuusuf, ku dhashay degmada Boosaaso ee gobolka Bari, qabiilkiisuna yahay: Daarood/Majeerteen/Cismaan Maxamuud, Bahdir, ayaa la qabtay 16/12/2023. Baaritaan dheer kadib, ayuu dhagerqabahu qirtay dambiyada uu shacabka Puntland ka galay iyo ka mid noqoshada Shabakaddan Qarsoon oo xarunteedu tahay magaalada Qardho.
Ilo lagu kalsoon yahay waxay Puntland Online u xaqiijiyeen in masuuliyiin xilal hore soo qabtay, kuwo hadda haya, iyo madax dhaqameedyo ay maxkamadda culeys xooggan ku saareen in dacwaddan ka dhamka ah Jaabir Calasow aan warbaahinta laga sii dayn, xukunkiisana la khafiifiyo.
Culeyskaas siyaasadeed awgiis waxaa dhawaan lagu xukumay dhagarqabaha 4 sano. Waxaa baxsad ah oo wali lagu raad jooga hoggaamiyihii kooxda oo lagu magacaabo Maxamuud Qaasim, kasoo jeeda Daarood/Majeerteen/Ciise Maxamuud.
Kiiskan foosha xun waxa uu soo ifbaxayaa, iyadoo inta badan aan la aqoon cidda ka dambeysa qaraxyada, dilalka iyo xiritaanka xarumaha ganacsiga qaar ee magaalada Bossaso. April 6, 2023 ayay ahayd markii la gubay Supper Market kii Almacruuf oo weli aan shaacin cidda falkaasi ka dambeysay.
Ilo xog-ogaal waxay ay sheegayaan in kooxdan burcadka ee abaabulan ay wada shaqeyn la leedahay qaybo ka mid ah lamaha amniga Puntland.
Dhanka kale waxay arrintan ku soo aadaysaa iyadoo wada shaqeynta Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedka Puntland uu hakad ku jiro, taas oo ka dhigaysa shacabka iyo ganacsatadu inay dhibbanayaal u sii ahaadaan baadda aragagixisdu iyo kuwa isku ekeysiiya qaadaan.