Beelaha Cali Saleebaan oo Dalbadey In Dib-u-eegis Lagu Sameeyo qaab dhismeedka Dawladnimo ee  Puntland

Share this Post

Nairobi, Puntland Online – Beelaha Cali Saleebaan ayaa soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo ka dhacay magaalada Nairobi 15-16 November 2025, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadda Puntland, dagaalka Calmiskaad, qaab-dhismeedka dawladnimo Puntland, siyaasadda, horumarka, iyo xiriirka u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka. Shirka waxaa ka qaybgalay isimmo, siyaasiyiin, ganacsato, iyo xubno ka socda jaaliyadaha dibadda.

Sida ku xusan bayaanka, Beesha ayaa ka dhegeysatay warbixino faahfaahsan ka qaybgalayaal ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka, kadibna waxaa lagu heshiiyey qodobbada hoos ku xusan

Dagaalka Calmiskaad

Bayaanka shirka ayaa si buuxda u taageeray hawlgallada ciidamada Puntland ee ka socda gobolka Bari, gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad. Bayaanka ayaa sidoo kale looga digey in hawlgallada ciidamada la siyaasadeeyo, isla markaana aan lagu dhawaaqin guulo aan wali la xaqiijin, si looga fogaado khataraha argagixisada.

“Shirku wuxuu ku baaqayaa inaan la siyaasadayn hawlgalka ciidanka oo aan lagu dhawaaqin guul aan wakhtigeedii la gaarin, si aan baylah loogu noqon khatarta Argagixisada” ayaa lagu yiri bayaanka.

Shirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalka Calmiskaad uu u sii daba dheeraaday sababo la xiriira iskaashi la’aanta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, taasoo keentay dib u dhac iyo caqabado ku yimid hawlgallada ciidamada.

“Shirku wuxuu garawsaday in dagaalka Calmiskaad uu daba dheeraaday sababtuna ay tahay wada shaqayn la’aanta Xukuumada Federalka ah iyo tan Puntland”. Ayaa lagu yiri bayaanka shirka Beelaha Cali Saleebaan.

Dib-u-eegista qaab-dhismeedka Puntland

Qodob kale oo muhiim ah ayaa ahaa dib-u-habaynta qaab-dhismeedka dowladnimo ee Puntland. Beelaha Cali Salebaan ayaa isla meel dhigay in hadda la joogo xilligii dib-u-eegis lagu samayn lahaa nidaamka dawladnimo ee Puntland, arrintan oo ay horey  usoo jeediyeen  qaar ka mid ah Isimadda dhaqanka Puntland.

“Shirku wuxuu isla gartay in la joogo wakhtigii dib u eegis lagu samayn lahaa qaab dhismeedka Dawladnimo ee Punland, arintaas oo ay hore ay usoo jeediyeen Isimadda Puntland”. Ayaa lagu  yiri Bayaanka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in gudaha dalka, gaar ahaan Boosaaso, lagu qabto shir ballaaran oo ay ka qaybgalayaan dhammaan qaybaha beelaha Cali Saleebaan bisha January sanadka 2026, islamarkaana si rasmi ah loo taageerayo dhismaha wadada Dhaadaar-Boosaaso iyo aasaaska Sanduuqa Horumarinta Cal-Miskaad.

Hoos ka akhriso Bayaanka oo dhameystiran

 


Share this Post