Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, kadib safar uu madaxweynuhu dhawaan kaga soo laabtay furimaha dagaalka.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika, iyo sidoo kale iskaashiga istiraatiijiga ah oo ku saabsan nabadeynta, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo sugidda amniga gudaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika doorka muuqda ee uu ka qaadanayo nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan ciidamada qalabka sida ee dalka, isaga oo muujiyey qadarinta uu u hayo ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee carqaladeynaya xasilloonida iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaanay garab istaagga dalalka gobolka ee ku aaddan howlgallada ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, isagoo tilmaamay in argagixisada aysan maanta ka jirin meel ay dalka kaga dhuuman karaan.
“Shacabka Soomaaliyeed waa ka dhiidhiyeen kooxahan, dhulkeennu waa ka xoreynaynaa cadowgaas dhibaatada nagu haya, waana hubaa in Alle idankiis aan dalka ka dabar-goyn doono,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Labada mas’uul ayaa isla gartay in la dardargeliyo wadashaqeynta dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, dhismaha hay’adaha dowladda iyo xoojinta amniga guud ee gobolka si loo gaarsiiyo Soomaaliya iyo gobolka bariga Afrika nabad waarta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ka qayb-qaadashada dib-u-habaynta ururka Midowga Afrika, isaga oo sheegay in dalka uu leeyahay khibrad muhiim ah oo la xiriirta xalinta khilaafaadka iyo nabadaynta gobolka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka mid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee dhidibada u aasay Ururka Midowga Afrika, isagoo Guddoomiyaha cusub uga mahadceliyey ballan-qaadka uu u sameeyey Soomaaliya.
Maxamuud Cali Yuusuf, oo muddo 20 sano ah ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jabuuti, ayaa dhowaan loo magacaabay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, waxaana safarkiisii ugu horreeyay uu maanta ku yimid magaalada Muqdisho.