Mareykanka & Israa’iil oo ku fashilmey burburinta Nukliyeerka Iraan
(Puntland Online) Sida ku cad warbixin uu daabacey wargeyska Washington Post, oo xiganaya saraakiil Mareykanka ah iyo ilo sirdoon, ayaa lagu sheegey in weerarkii ay ciidamada cirka iyo badda Mareykanku dhowaan ku qaadeen xarumaha nukliyeerka dawlada Iraan, uu noqday mid aan geysan waxyeeladii laga filayey.
Warbixinta ayaa lagu sheegey in Saraakiisha Mareykanku ay dhegeysteen wadahadalo qarsoodi ah oo khadka isgaarsiinta ku dhex marayey madaxda sar sare ee Iraan, taasoo muujisay in madaxda Iran ay la yaabeen sababta weerarkii uu amray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uusan u noqon mid si weyn u waxyeelleeya xarumaha barnaamijka Nukliyeerka.
Xogahaasi waxay sababeen hadal heyn xoogan oo hadda ka dhex socota dowladda Mareykanka, iyadoo laga cabsi qabo in Iraan ay si fudud dib ugu bilowdo hormurinta barnaamijkeeda hubka nukliyeerka, oo muddooyinkii dambe cadaadis iyo dulaan millateri oo xoog leh lagu qaadey.
Warbixintaan sirdoon ayaa imaaneysa iyadoo Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump uu marar badan sheegey in gebi ahaanba la bur buriyey xarumahaas.
Aqalka Cad xogtaan la helay kama uusan bixin faah—faahin rasmi ah, sidoo kalena ma uusan beenin jiritaanka warbixintaan sirdoon. Si kastaba ha ahaatee- Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo xiriirka u dhexeeya Tehran iyo Washington uu gaarey halkii ugu hooseysay, dhowaan madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu weerari doono mar kale Tehran hadii ay bilowdo horumarinta barnaaminkeeda Nukliyeerka.
Gabagabo
Inkasta oo weerarka Israa’iil iyo Mareykanku ku qaadeen Iraan uu ahaa mid la doonayey in lagu burburiyo barnaamijkeeda nukliyeerka Iraan, haddana xogaha la helay waxay muujinayaan in Iraan uusan gaarin khasaare wayn iyadoo durba bilowday shaqada horumarinta barnaamijkeeda Nukliyeerka, Taasoo macnaheedu yahay in xiisadda gobolku ay halis ugu jirto inay dib qaraxdo.