HomeNewsWorld

Mareykanka oo Cunaqabateyn ku Soo Rogay Hogaamiyaha RSF! Maxey tahay Sababtu?

7 Janaayo 2025, xafiiska Xakamaynta Hantida ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ee loso gaabiyo (OFAC) ayaa cunaqabateyn ku soo rogay hogaamiyaha ciidanka gurmadka deg deg ah ee (RSF), Mohammad Hamdan Dagaalo Muusa oo loo yaqaan (Xameeti), iyo dhowr shirkadood oo ku lug leh falalka xasillooni-darrada ah ee ka jira Suudaan.

Falaagada RSF, ee uu hogaamiyo Xameeti, ayaa muddo ka badan laba sano la dagaalamaysa Ciidamada Suudaan, iyagoo oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca in kabadan 12 million oo qof, sidoo kalena keentay macaluul iyo xaalado bini’aadantinimo oo aad u daran.

Mareykanka ayaa cunaqabateyntan ku soo rogay si loo joojiyo loona xakameeyo, dhaqaalaha kooxda RSF, iyadoo diiradda la saarayo shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya xoojinta iyo tageerada kooxdan.

Wally Adeyemo, ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka, ayaa sheegay, “Mareykanka waxa uu si joogto ah uga shaqeynayaa sidii loo joojin lahaa dhibaatada RSF ay ku hayso shacabka Suudaan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.”

OFAC ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay shirkadaha (Capital Tap Holding L.L.C.) iyo (Creative Python L.L.C.) oo taageero dhaqaale iyo hub siiyaya RSF. Sidoo waxaa cunaqabateyn lagu soo rogay . Abu Dharr Abdul Nabi Habiballa Ahmmed, oo ah milkiilaha shirkadahaas.

Antony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegay in Falaagada RSF ay ku lug leedahay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaan gobolka Darfur, halkaas oo ay ku sameeyeen dilal, kufsi, iyo falal kale oo naxdin leh. Blinken ayaa ku celiyay in Mareykanka uu si buuxda uga go’an yahay in la xoojiyo dadaallada loogu joojinayo dagaalka iyo xasillooni-darrada Suudaan.

Cunaqabateyntan ayaa sidoo kale lagu soo rogey shirkado kale oo ka howl gala gudaha UAE, kuwaas oo la rumeysan yahay in tageeraan kooxda RSF. Shirkadahaas waxaa ka mid ah (Al Zumoroud Gold & Jewellers) iyo (Horizon Advanced Solutions,) oo ay leeyihiin shaqsiyaad xiriir laheh RSF.

Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono cadaadiska uu saarayo kooxda RSF, isagoo adeegsanaya cunaqabateyn iyo talaabooyin kale oo ka dhan ah kuwa mas’uulka ka ah xaaladda adag ee ka jirta Suudaan

Spread the love