Beledxaawo: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka

Share this Post

22 Luulyo 2025 (Puntland Online)  Magaalada Beledxaawo ee ku taalla xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta martigelisay xaalad colaadeed, kaddib dagaal xooggan oo saaka ku dhexmaray magaalada ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland. Dagaalkan oo dhacay duhurkii hore ayaa sababay in ciidamada Jubbaland ay la wareegaan xarunta degmada iyo goobo kale oo istiraatiiji ah.

Iskahorimaadkan ayaa yimid saacado uun kaddib markii magaalada uu soo gaaray Taliyaha cusub ee Nabadsugidda Jubbaland, Cabdirashiid Janan, kaas oo dhowaan uu xilkaas u magacaabay Taliyaha Guud ee Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, Mahad Maxamed Salaad. Janan ayaa sidoo kale loo magacaabay hoggaanka nabadgelyada gobolka Gedo.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo maxalli ah, Cabdirashiid Janan ayaa kusoo degey xerada ciidamada DFS ay ku leeyihiin duleedka Beledxaawo  ee loo yaqaan “UK”, isagoo watey laba diyaaradood oo helikobtar ah, saraakiil sar sare iyo ciidamo gaar ah. Socdaalka Cabdirishiid Janan ayaa sababey dagaal toos ah oo dhex marey labada ciidan kaas oo galaaftey nolosha toddoba (7) qof iyo dhaawaca tiro kale.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen ammaanka magaalada Beledxaawo, ayna ka sifeyeen ciidamadii taabacsanaa dowladda dhexe. Guddoomiyaha gobolka Gedo ee Jubbaland iyo kan degmada ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in amniga magaalada hadda uu ku jiro gacantooda.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ka dhacay magaalada Beledxaawo, iyada oo mas’uuliyadda falkan dusha ka saartay maamulka Jubbaland.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu ahaa “fal dambiyeed abaabulan oo lagu beegsaday xarumo dowladeed oo si sharci ah uga hawlgalayay magaalada,” isla markaana uu halis galiyay xasilloonida guud iyo badqabka shacabka.

Dowladdu waxay intaas ku dartay in falkaasi uu ka tarjumayo isku day lagu carqaladeynayo dadaallada dowlad-dhiska iyo sugidda amniga ee gobolka Gedo, iyadoo ballanqaadday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata weerarkaasi.

Dagaalkan wuxuu kusoo beegmay xilli  khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland uu gaarey halkii ugu hooseysay, kadib doorashadii Jubbaland ee dib loogu dootey madaxwayne Axmed Madoobe. 


Share this Post