Muxuu yahay Heshiiska Ankara? Soomaaliya ma Waxey Itoobiya siisay Marin badeed?
Ankara – Diseembar 12, 2024
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ku dhawaaqay heshiis taariikhi ah oo laga gaaray khilaafkii muddada dheer soo socdey ee ka dhex jiray Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib wada-hadallo ka dhacay Ankara. Heshiiskan, oo lagu magacaabay Ankara Declaration, ayaa ujeedkiisu yahay in lagu soo afjaro is-mari-waagii ka dhashay heshiiskii Itoobiya ay la gashey Somaliland bilowgii sanadkaan 2024 kaas oo ahaa in Itoobiya ka hesho xeebaha Somaliland marin badeed ay ka dhisato deked iyo saldhig milatery.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Ankara, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Erdoğan doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay heshiiska ay gareen. Erdoğan ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid muhiim ah oo horseedi doona xiriir ku dhisan nabad iyo iskaashi u dhexeeya labada dal.
“Heshiiskani wuxuu ka tarjumayaa mowqif cusub oo ku saleysan wadajir iyo is-ixtiraam. Waxaana rajeynayaa inuu noqdo bilowga nabad iyo horumar ka dhex dhasha Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayuu yiri Erdoğan.
Qodobbada Muhiimka ah ee Heshiiska
Heshiiska Ankara Declaration ayaa qeexay in labada dal ay ka wada shaqeyn doonaan sidii Itoobiya loogu xaqiijin lahaa marin badeed lagu kalsoonaan karo, iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waxa kale oo lagu heshiiyay in wada-hadallo farsamo la billaabo ugu dambeyn bisha Febraayo 2025, laguna soo gabagabeeyo muddo afar bilood gudahood ah.
Qoraalka heshiiska ayaa sidoo kale tilmaamay in khilaafaadka mustaqbalka yimaada, lagu xallin doono wadaxaajood iyo taageerada dhinacyo saddexaad, haddii loo baahdo. Turkiga ayaa qaadan doona door muhiim ah oo lagu hubinayo dhaqan galka heshiiska ay gareen labada wadan.
Xiisadda Somalia iyo Itoobiya
Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku shareeray horaantii sanadkan markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho xeeb ay ka dhisato deked iyo saldhig milatari.
Heshiiskan ayaa Somalia ku tilmaantey mid liddi ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, taasoo dhalisay khilaaf siyaasadeed oo sababay cadaadis caalami ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay heshiiska, ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay Itoobiya kala shaqeyso sidii loo heli lahaa xal waara. “Waxaan joojinnay khilaafaadkii jiray, waxaana ka go’an Soomaaliya inay wada-shaqeyn dhow la yeelato Itoobiya,” ayuu yiri Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa isna sheegay in rabitaanka Itoobiya ee marin badeed uu yahay qorshe nabadeed oo dan u ah gobolka. “Waxaan u aragnaa in marin badeedku yahay fursad iskaashi, waana qorshe aan ku gaari karno mustaqbal barwaaqo ah,” ayuu yiri Abiy Ahmed
Doorka Turkiga ee Dhex-dhexaadinta
Turkiga, oo soo dhex-dhexaadinayay labada dal tan iyo bishii Luulyo, ayaa helay tageerada labada dhinac. Sidoo kale Erdoğan ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay guul ay wada gaareen dhinacyada oo dhan, isagoo ballanqaaday in Turkigu sii wadi doono taageerada uu siiyo labada dal ee Somalia iyo Itoobiya.
Gunaanad
Heshiiska Ankara ayaa si rasmi ah ugu ogolaanaya Itoobiya ay ka hesho marin badeed biyaha Soomaaliya, iyadoo loo marayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in Itoobiya ay ka laabatay heshiiskii hore ee ay la gashay Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horey u sheegay in Dowladdiisu aysan wadaxaajood la geli doonin Itoobiya ilaa ay si cad uga noqoto heshiiskaas, kaasoo oo ahaa mid ka hor imaanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.