Madaxweyne Deni oo Lifayo inuu Xilka ka qaado Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta

Share this Post

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu qorsheynayo inuu xilka ka xayuubiyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Siciid Maxamed (Juxa), iyo Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid Dirir.

Sida la soo warinayo, Madaxweyne Deni ayaa labadan mas’uul u arka inay dhaawacayaan xiriirka Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, maadaama ay si joogto ah u dhaliilaan madaxda dowladda federaalka, taasoo keeni karta xiisado siyaasadeed oo hor leh. Warar kale ayaa sidoo kale tilmaamaya in tallaabadan ay la xiriiri karto damaca Madaxweyne Deni ee tartanka doorashada Villa Somalia 2026, maadaama uu doonayo inuu hagaajiyo xiriirkiisa siyaasadeed iyo inuu helo taageero ballaaran.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabi doono Abshir Cumar Huruuse, oo horey usoo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, halka aan weli la xaqiijin cidda lagu beddeli doono Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Caydiid Dirir.

Xil ka qaadistan la filayo ayaa qeyb ka noqon karta ololaha siyaasadeed ee Deni, isaga oo raadinaya inuu ka fogaado khilaafaadka dowladda federaalka si uu ugu muuqdo musharrax dhexdhexaad ah oo ka faa’iidaysan kara loolanka doorashada.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ama Wasiirrada la hadal hayo, balse tallaabo kasta oo uu Madaxweyne Deni qaado maalmaha soo socda waxay bixin doontaa sawir cad oo ku saabsan qorshihiisa siyaasadeed ee mustaqbalka.


Share this Post