Mareykanka Iyo UK oo ka Horyimi Siyaasada Xasan Sheekh

Share this Post

Diblomaasiyiinta reer galbeedka gaar, aahaan Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa cadaadis diblomaasiyadeed ku haya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku boorrinaya in xukuumadiisu furto saaxadda siyaasadeed, lana dejiyo qorshe qaran oo mideysan oo lagula dagaallamayo argagixisada laguna xallinayo khilaafaadka iyo ismari waaga siyaasadeed ee dalka kajira.

Kulankan, oo ka dhacay Villa Soomaaliya kadib markii Madaxweynaha uu safar gaaban kagasoo laabtay dalka Turkiga, ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo doorashooyinka. Wufuudda reer Galbeedku waxay dalbadeen in la helo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiin karaan, si looga fogaado khilaafaadka hor taagan xasilloonida siyaasadeed.

Danjirayaashu waxay sidoo kale ka digeen in khilaafka sii kordhaya ee Dowladda Federaalka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland uu wiiqi karo midnimada dalka. Waxay hoosta ka xarriiqeen in loo baahan yahay wadahadallo siyaasadeed oo dhab ah, si looga gudbo ismariwaaga siyaasadeed ee hada jira.

Illaa iyo hadda lama oga jawaabta rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ka bixin doonto arrintan, hase yeeshee, Madaxtooyadu horey ayay u diidday tallooyin noocan oo kale ah oo ay horey usoo jeediyeen mucaaradka iyo qaar ka mid ah beesha caalamka.

Puntland Online


Share this Post