Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ku wareejisay deeq lacageed oo dhan 1 Milyan Doollar si loola tacaalo abaaraha

Share this Post

Dowladda Shiinaha ayaa maanta ku wareejisay Soomaaliya deeq lacageed oo ah 1,000,000 dollar, taas oo lagu taageerayo dadaallada lagula tacaalayo abaaraha ka jira dalka. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegtay in hay’addu si rasmi ah u heshay dhaqaalahan.

Xafladda ayaa lagu qabtay xarunta SoDMA, iyadoo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, ayaa ku adkeeyay in dowladdiisu u taagan tahay taageeridda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay jiraan xaalado adag oo la xiriira abaaraha.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu maalgelin doono adeegyada gurmadka. Wuxuu xusay in loo adeegsan doono raashin, biyo nadiif ah iyo adeegyo muhiim u ah dadka ay abaaruhu saameeyeen. Wuxuu ku ammaanay dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba u muujiso Soomaaliya.

SoDMA ayaa hore u soo saartay warbixin muujinaysa culayska abaaraha ee ka jira gobollo badan. Hay’addu waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la helo taageero dheeri ah si loo yareeyo saameynta ku dhacday kumannaan qoys oo ku nool deegaanno aan weli helin gurmad ku filan.


Share this Post