Xog ay heshay Puntland Online ayaa tilmaameysa in Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh laga hor istaagay inuu la kulmo dhiggiisa Finland, oo booqasho rasmi ah ku timid magaalada Muqdisho. Ilo-wareedyo ku dhow xafiiska Wasiir Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in kulanka labada wasiir uu fashilmay sababo la xiriira khilaaf hoose oo ka dhex jira hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Wasiiradda Finland, oo booqashadeedu daarneyd mid diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta arrimaha bulshada, ayaa magaalada Muqdisho loogu soo dhaweeyay si meqaamkeedu hooseeyo kadib markii ay soo caga-dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe waxaa qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga.
Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo diblumaasiyadda ayaa arrintan ku tilmaamay mid dhaawaceysa sumcadda Soomaaliya ee dhinaca xiriirka dibadda, gaar ahaan marka ay timaaddo soo dhaweynta mas’uuliyiin heer caalami ah.