DFS Oo Puntland U Wareejisay $6.3 Milyan iyo Eedeymaha Musuq-maasuq ee Madaxda Puntland

Share this Post

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa dhawaan Puntland u wareejisay lacag dhan $6,348,826 (lix milyan, saddex boqol afartan iyo siddeed kun, siddeed boqol labaatan iyo lix doolar), taasoo ahayd kab miisaaniyadeed (budget support) oo loogu talagalay in lagu xoojiyo miisaaniyadda Puntland. Lacagahaas ayaa loo wareejiyay Puntland wakhtiyo kala duwan sida hoos ku xusan:

2-dii Luulyo 2024: $1,353,000

3-dii Luulyo 2024: $3,500,000

Lacagaha kale ee wakhtiyo kala duwan la bixiyay: $1,495,826

Wadarta guud ee lacagahan waa $6,348,826, waxaana si toos ah loogu shubay khasnadda Dowladda Puntland.

Musuq-maasuq Baahsan iyo Madaxda Puntland

Waxaa sii kordhaya eedeymaha musuq-maasuq ee loo jeedinayo madaxda Puntland, gaar ahaan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Madaxwaynaha ayaa lagu eedeeyay inuu lacagaha kabka miisaaniyada iyo canshuuraha kasoo xerooda shacabka Puntland u adeegsaday danihiisa gaar ka ah, halkii loo adeegsan lahaa horumarinta deegaanka. Xogaha ayaa tilmaamaysa in Madaxweyne Deni uu codsaday in lacagahan caddaanka ah (cash) loogu soo shubo, isagoo hor istaagey dhammaan mashaariicdii horumarinta, kuwaas oo lagu qiyaasay boqollaal milyan oo doolar.

Madaxda Puntland ayaa lagu eedeeyay inay ka faa’iideysteen xilalka ay hayaan, iyagoo lacagaha canshuuraha iyo taageerada miisaaniyadda u isticmaala danahooda shaqsiga ah iyo kuwa qoysaskooda, iyagoo shacabku ka cabanayaan in maamulku uu iska indho tiray baahiyahooda, diiradana saaray danaha gaarka ah.

Dhibaatooyinka Dhaqaale Puntland

Inkasta oo Puntland ay hesho lacago fara badan oo isugu jira canshuurta ay bixiyaan dadka shacabka ah iyo taageerada kabka miisaaniyada, haddana waxaa weli kajira degaanka dhibaatooyin dhaqaale oo ba’an, kuwaas oo hoos u dhigay fursadaha shaqo  iyo horumarinta guud ee degaanka. Intaas waxaa dheer in Puntland aysan lahayn goobo caafimaad oo tayo leh, waxbarasho heer sare ah, iyo inta badan adeegyada aasaasiga ah, taasoo keentay in bulshada deegaanka ay u raadsadaan meelo ka baxsan Puntland.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya in maamulku uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto baahiyaha aasaasiga ah, iyadoo hantidii loogu talagalay horumarinta la lunsaday ama si qaldan loo isticmaalay.

Musuq-maasuqa iyo maamul-xumada ka jirta Puntland ayaa si weyn saameyn ugu yeeshey horumarka degaanka. Mashaariicdii loogu tala galay in lagu horumariyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ayaa la musuq maasuqey. Dhinaca kale eedeymahan musuq-maasuqa, ku tagrifalka awooda, iyo maamul xumada xukuumada  ayaa hoos u dhigey kalsoonidii dadweynahu ku qabeen maamulka Puntland.


Share this Post