Xamaas oo Ku Dhawaaqday Sii-deynta Maxbuus Mareykanka ah:

Share this Post

Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay sii deyn doonaan Fiidnimada caawa Edan Alexander, oo ah askari Israa’iili ah oo haysta jinsiyadda Mareykanka. Go’aankan ayey ururku ku sheegeen inuu qeyb ka yahay dadaallo lagu doonayo in xabbad-joojin rasmi ah looga gaaro colaadda  marinka Gaza, dibna loo furo isgoysyada marinka ee xiran, iyo dib u bilaabista gargaarka bini’aadamnimo.

Xamaas ayaa sheegtay inay wadahadalo toos ah la yeelatay dowladda Mareykanka, taas oo suurta gelisey in la gaaro heshiiska sii-deynta maxbuuskan. Edan Alexander, oo 21 jir ah, ayaa lagu qabtay weerarkii ay Xamaas ku qaadey dhulka ay xoogga ku heysato Israa’iil bishii Oktoobar ee sanadkii 2023, isagoo ku sugnaa saldhig ku yaal degaanada ku dhow marinka Gaza.


Share this Post