Maxay Puntland uga dhigantahay booqashadii RW Xamse ee Laascaano?

Share this Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa horraantii toddobaadkan booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada Laascaanood, xarunta maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khatumo. Wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si meeqaam sare leh loogu soo dhoweeyay, iyadoo muddadii uu joogay uu dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo dhowr ah.

War-saxaafadeedka rasmiga ah ee kasoo baxay booqashada ayaa si cad u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC-Khatumo, taasoo ka dhigan tallaabo taariikhi ah oo dhanka dowlad-dhisidda iyo midnimada qaran ah. Sidoo kale, war-saxaafadeedku wuxuu muujiyay in SSC-Khatumo ay si buuxda uga qeyb geli doonto Madasha Qaran ee loo balansan yahay bisha May 2025. Madashaas oo la filayo in ay noqoto mid kaalin weyn ku leh jihaynta siyaasadda dalka.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu ku soo beegmayaa xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro marxalad diyaar-garroow doorasho, xiriirka Puntland iyo Dowladda Federaalka uu xumaaday muddooyinkii u dambeeyay, isla markaana ay taagan tahay dood adag oo la xiriirta matalaadda SSC-Khatumo — oo xubnaha kasoo jeeda deegaannadaas horey uga mid ahaayeen kuwa Baarlamaanka Federaalka uga imaan jiray Puntland.

Haddaba, maxay uga dhigan tahay aqoonsiga rasmiga ah ee SSC-Khatumo iyo safarka Ra’iisul Wasaaraha Puntland? Waa su’aasha aan ku falanqeyn doono faalladaan hoose.

Puntland iyo SSC-Khatumo

Tan iyo aasaaskii Puntland sanadkii 1998, bulshada ku dhaqan gobollada Sool iyo Cayn — ee maanta la isku yiraahdo SSC-Khatumo — waxay door laxaad leh ka qaateen dhismaha iyo kobaca maamulka Puntland. Waxay ku lahaayeen saami-qeybsi siyaasadeed oo muuqda, matalaad buuxda, iyo saameyn dhaqan, siyaasadeed iyo deegaan.

Si kastaba, Laascaanood iyo inta badan gobollada Sool iyo Cayn waxay muddo 15 sano ah ka maqnaayeen gacanta Puntland, iyada oo Somaliland ay la wareegtay. Tani waxay is beddeshay kaddib kacdoon bulsho oo xooggan oo bilaabmay dhammaadkii 2022, islamarkaana shacabka SSC ay dib ugu xoreeyeen dhulkooda bishii Agoosto 2023.

Hoggaanka dhaqanka ee deegaankaas, oo hoggaan u ahaa kacdoonkaas hubeysan, waxay bartamihii 2023 dhiseen maamul ku-meel-gaar ah oo haga talada dadka iyo deegaanada SSC-Khatumo — kaasoo si buuxda gacanta ugu haya talada dhulkaasi. Puntland dhankeeda, waxay taageero muuqata siiyeen xoreynta SSC, gaar ahaan dhanka saadka, caafimaadka, dhaqaalaha, siyaasadda, iyo cududda ciidan — inkastoo aysan si rasmi ah uga muuqan magaca iyo ciwaanka Puntland.

Markii la xoreeyay deegaannada SSC, waxaa durba bilaabatay dood ku saabsan aayaha siyaasadeed ee SSC-Khatumo. Inkastoo Puntland marar badan sheegtay in shacabka deegaanka ay xor u yihiin aayahooda, haddana lama gaarin heshiis rasmi ah ama dood furan oo laga galo mustaqbalka xiriirkooda.

Doorashadii Puntland ee Janaayo 2024, inta badan hoggaanka dhaqanka SSC waxay si cad u shaaciyeen inaysan ka qeyb galeynin, iyagoo arrintaas ku sababeeyay xaaladda siyaasadeed ee is beddeshay. Si kastaba ha ahaatee, matalaadda siyaasadeed ee SSC gudaha Puntland weli wax isbeddel ah laguma sameynin, taasoo abuuraysa xaalad kala guur ah oo u baahan xal siyaasadeed

Aqoonsiga rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay SSC-Khatumo wuxuu noqonayaa isbeddel taariikhi ah oo saameyn ku leh qaab-dhismeedka Federaalka, midnimada siyaasadeed ee dalka, iyo hab-maamulka Puntland. Xaaladdan cusub waxay Puntland ku qasbeysaa inay la timaado aragti siyaasadeed oo furan oo ku wajahan rabitaanka shacabka deegaankaas, si looga hortago khilaaf siyaasadeed oo ka dhexdhasha Puntland iyo SSC-Khatumo.

Sidaas darteed, wadahadal rasmi ah oo u dhexeeya Puntland iyo SSC-Khatumo ayaa ah dariiqa keliya ee lagu gaari karo is-faham ku saleysan matalaad, xuduud iyo xiriir siyaasadeed oo iskaashi iyo is-aqbal ku dhisan — taasoo sidoo kale dhalin doonta dib u qaabaynta khariidadda siyaasadeed iyo wax-qeybsiga ee Puntland.

Xiriirka Federaalka.

Booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxay si weyn u beddeshay sawirka siyaasadeed ee SSC-Khatumo, iyadoo ka qeybgalka maamulkaasi ee shirweynaha Madasha Qaran uu si cad u muujinayso in SSC-Khatumo ay door muuqda ku yeelan doonto hannaanka doorashada Baarlamaanka xiga. Tani waxay ka dhigan tahay in tirada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka imaan jiray Puntland ay si toos ah isu beddeli doonaan.

Dhinaca kale, tallaabadan waxay fursad cusub u furaysaa deegaanka SSC-Khatumo si ay si toos ah uga faa’iidaystaan mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo—kuwaas oo horey u soo mari jiray Puntland ama Somaliland, ama ay si xaddidan u heli jireen.

Dhanka siyaasadda guud ee dalka, Puntland ayaa si cad uga hortimid wax-ka-beddelka lagu sameeyay dastuurka kumeel gaarka ah, iyadoo sheegtay in arrintaasi dhaawac ku tahay hannaanka dowlad-dhiska, nidaamka doorashooyinka iyo hannaanka federaalka. Sidoo kale, Jubbaland ayaa jartay xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka. Haddaba, kusoo biirista SSC-Khatumo ee saaxadda siyaasadda heer qaran waxay dhalinaysaa su’aal muhiim ah: Xaggee bay ka istaagi doonaan arrimaha masiiriga ah ee taagan sida dastuurka, awood-qeybsiga, iyo hannaanka dowlad-dhiska — maadaama SSC-Khatumo ay siyaasad ahaan isir wadaag la tahay Puntland iyo Jubbaland?

Gabagabadii

SSC-Khatumo, bulsho ahaan iyo deegaan ahaanba, waxay haystaan fursad taariikhi ah oo ay ku dhisi karaan maamul rasmi ah oo u gaar ah, isla markaana kaalin muuqata kaga yeesha dowlad-dhiska dalka. Waxaa duruuri ah in SSC-Khatumo si masuuliyad leh uga qaybqaadato wadahadalka ku saabsan wax-qeybsiga siyaasadeed, gaar ahaan xiriirka ay la leeyihiin Puntland—maadaama labada maamul ay wadaagaan bulsho, dhaqaale, iyo cudud aan la kala maarmi karin. Mudnaanta koowaad waa in la ilaaliyo midnimada bulshada iyo wadajirka labada dhinac.

Dhanka kale, Puntland waxaa laga filayaa inay hoggaan u noqoto doodaha lagama maarmaanka ah ee ku saabsan matalaadda iyo xiriirka mustaqbalka, iyadoo muujinaysa biseyl siyaasadeed iyo aragti.

Sidoo kale, SSC-Khatumo iyadoo ilaalinaysa danaha ay ka leedahay Dowladda Federaalka, waxaa muhiim ah inay la timaaddo aragti iyo mowqif cad oo ku aaddan doodaha dowlad-dhiska ee hadda taagan—gaar ahaan arrimaha dastuurka. Mowqifkaas ayaa saameyn toos ah ku yeelan doona xiriirka siyaasadeed ee mustaqbalka dhex mara SSC-Khatumo iyo Puntland.


Share this Post