Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho ku tagay magaalada Xudur
Xudur, Bakool (Puntland Online) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, isagoo ay weheliyaan wafdi heer sare ah oo ay ka mid yihiin wasiirro iyo xildhibaanno.
Wafdiga ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada, halkaas oo ay ku qaabileen Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xubno ka tirsan maamulka gobolka, odayaal dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Xudur, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu kulamo wadatashi iyo xog-wareysi ah la yeesho mas’uuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka, iyo saraakiisha amniga, isagoo diiradda saaraya arrimaha horumarinta, amniga iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed
Booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ee magaalada Xudur waxay imaaneysaa xilli degmadaasi ay wajahayso go’doomin dhanka dhulka ah muddo ka badan 10 sano, taasoo ay sabab u tahay kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysa inta badan gobolka Bakool. Xudur ayaa ah magaalada keliya ee gobolkaas ee ay dowladda si buuxda u maamusho, iyadoo ay si rasmi ah u joogaan ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa hal maalin ka hor uga hormaray Guddoomiyaha magaalada Xudur, isagoo halkaas u tegay kormeer iyo kulamo la xiriira xaaladda amni iyo midda nololeed ee gobolka.