Warbixin gaar ah: Imaaraadka Carabta oo Saldhig Ciidan u beddelay Magaalada Boosaaso:
Warbixin uu baahiyey wargeyska Middle East Eye ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay bishii Maarso ee sanadkan 2025 si qarsoodi ah ugu rakibtey agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Bosaaso qalab casri ah oo ah nidaamka difaaca hawada ee ELM- 2084 (radar), iyadoo aysan ka warqabin xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xitaa xubnaha golaha wasiirrada maamulka Puntland.
Raadaarka ELM-2084 waa qalab casri ah oo saddex-geesood ah (3D) oo lagu ogaado dhaqdhaqaaqyada cirka sida gantaallada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo dhamaan weerarrada cirka. Waxaa soo saarta shirkadda laga leeyahay Israel oo magaceeda la yiraahdo ELTA Systems, waxaana si weyn u adeegsada Israel, Hindiya, Canada iyo Singapore.
Ujeedada Radar-ka iyo Doorka Imaaraadka
Sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen wargeyska Middle East Eye, Imaaraadka ayaa qalabkan u rakibay si uu uga hortago weerarro laga filayo kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaasoo dhowaanahan xirey isusocodkii ganacsiga badda cas.
Qalabkan ayaa si toos ah loogu rakibay agagaarka garoonka Boosaaso,gaar ahaan xerada ciidamada PMPF waxaana la sheegay in Imaaraadka uu si gaar ah u maamulo goobtaas, iyadoo aysan jirin wax oggolaansho ah oo laga haysto dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay u shegeen Middle east eye ilo-wareedyo ku sugan gudaha Puntland.
Sidoo kale, Imaaradka ayaa garoonka diyaaradaha Boosaaso si joogto ah ugu adeegsadaa rarista hubka iyo sahayda ciidan ee loo dirayo kooxda falaagada RSF ee ku lugta leh dagaalka ka socda gudaha Suudaan.
Maamulka Puntland oo la rumeysan yahay inuu qeyb ka yahay qorshahan
Warbixinta ayaa xustay in heshiiskan lala galay maamulka Puntland uusan helin oggolaansho ka yimid dowladda dhexe ee Soomaaliya, halka xitaa golaha wasiirrada Puntland intooda badan aanay waxba ka ogayn qorshahan. Sida ay ilo wareedyo u sheegeen Middle east eyey, waxaa la arkay ciidamo ajnabi ah oo laga soo dejiyey garoonka Boosaaso, kadibna loo sii qaaday dhanka Suudaan.
Maxey Dowladda Federaalka uga aamustey arrintaan?
Warbixinta Middle East Eye waxay tilmaamaysaa in Villa Soomaaliya ay dooratay inay arrintan ka aamusto, si aysan u carqaladeyn xiriirka ay la leedahay Imaaraadka, madaama Imaaraadku uu yahay mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Gunaanad:
Arrintan waxay muujinaysaa faragelinta qaawan ee uu Imaaraadka Carabtu ku hayo Soomaliya taasoo su’aalo badan ka dhalinaysa doorka maamulka Siciid Deni ee ku aaddan qaranimada Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka.