Khayraadka Badda iyo Iskhilaafka Siyaasadeed ee Saaxiibada

Share this Post

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay hay’adda war baahinta Puntland online in madaxda wasaaradda kaluumaysiga Dawladda Federaalka ay siiyeen shatiga kaluumaysiga 9 markab oo uu leeyahay Senetor Dahir Ayaanle oo shuraako ganacsi iyo qaraaboba la ah Madaxwayne Siciid Deni.

Wasiirka wasaarada  kaluumaysiga Mudane Axmed Xassan iyo Wasiiru Dawlahaha Wasaarada Mudane Baxnaan Bashiir ayaa si qarsoodi ah u bixiyay shatiga kalluumaysiga ee 9 kaas markab ka dib markay ka qaateen aduun lacageed oo dhan $360,000.

Arintan ayaa fashilmatay ka dib markii Maxamud shido oo mar ahaa saaxiibka ugu dhow ee Senetor Dahir Ayaanle iyo Madaxwayne Deni oo xiriir khadka telefon ka ah la sameeyay Raysaal Wasaare Xamze Abdi Barre u sheegay maraakiibta badda lasoo geliyay iyo cidda saxiixday, iyadoo isla markiiba uu Raysal Wasaare Xamze amray in la joojiyo shatiga maraakiibtaas.

Daahir Ayaanle oo ah Mudane ka tirsan Aqal ka sare ee Dalka, ayaa waayihii dambe wuxuu aad ugu hawlana ganacsiga khayraadka badda. Dhowaan ayay ahayd markii 3 qof oo ajnabi ah oo ka tirsana shaqaalaha maraakibtiisa Badda ugu jirta ay ciidamada PSF ku qabteen degaanka Xaafuun oo ka tirsan Gobalka Bari.


Share this Post