Ingiriiska oo Aqoonsanaya Dowladda Falastiin bisha September

Share this Post

Raysal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Keir Starmer,, ayaa shaaca ka qaaday in UK ay qorsheyneyso inay bisha September si rasmi ah u aqoonsato dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin, hadii aysan Israa’iil ogolaan xabad-joojin dhameystiran oo laga sameeyo Marinka Qaza, isla markaana aysan joojin dhibaatada bani’aadantinimo ay ku heyso shacaka reer Qaza.

Starmer ayaa carrabka ku adkeeyey in tallaabooyinka  Israa’iil looga baahan yahay ay kamid yihiin joojinta dagaalka marinka Qaza, in Qaramada Midoobay loo ogolaado in si xor ah gargaarka bani’aadantinimo u gaarsiiso dadka dhibaateysan ee Marinka, iyo in ay Israa’iil muujiso rabitaan dhab ah oo ku aaddan nabadda mustaqbalka fog.

Raysal Wasaaraha oo Talaadadii warbaahinta kula hadlay magaalada London ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo gaaro heshiis siyaasadeed oo u dhaxeeya Xamaas iyo Israa’iil, oo ay ku jiraan sii deynta maxaabiista iyo fulinta hindisaha xalka laba dowladood oo deris ah.

“Waxaan doonaynaa in la joojiyo colaadda, Qaramada Midoobayna ay dib u bilowdo hawlaha gargaarka, waxaana muhiim ah in aan la kordhin xayiraadaha Daanta Galbeed,” ayuu yiri Starmer.

Wuxuu sidoo kale cadeeyey in UK ay diyaar u tahay in ay aqoonsato Dowladda Falastiin haddii Israa’iil aysan qaadin tallaabooyin wax ku ool ah, isagoo tilmaamay in nabadda Bariga Dhexe ay ku xiran tahay in la helo dowlad Falastiin oo madax-bannaan iyo in Israa’iil amni hesho.

Go’aanka Starmer ayaa yimid kadib markii xildhibaanada iyo xubnaha xisbiga talada haya ee Labourka UK ay cadaadis weyn saareen Starmer, In ka badan 200 xildhibaan ayaa baaq u diray Raysal Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, David Lammy, iyagoo ku baaqay in UK ay si rasmi ah u aqoonsato dowladda Falastiin.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha qaar ee reer Yurub ayaa si isdaba joog ah u muujinaya walaacooda ku aaddan xadgudubyada Israa’iil ee ka dhan ah dadka reer Falastiin, 

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ay qayb ka tahay qorshe nabadeed oo ka kooban sideed qodob, kaasoo ay dowladdiisu muddo dheer ka shaqaynaysay, isla markaana ay ugu muhiimsan tahay in la helo xal waara oo ku saleysan wada noolaansho iyo ixtiraam labada dhinac ah.


Share this Post