Xilli Ciyaareedka 2024-2025: Tartanka Kubadda Cagta oo Bilaabmay
Xilli ciyaareedka cusub ee 2024-2025 ee kubadda cagta ayaa si rasmi ah u bilowday bishii Agoosto, waxaana durbadiiba muuqda xamaasadda iyo tartanka xooggan ee ka jira horyaallada ugu waaweyn, gaar ahaan Premier League iyo La Liga.
Premier League
Manchester City: Kooxda Manchester City, oo ah heysata horyaalnimada, ayaa xilli ciyaareedkan ku bilaabatay si wanaagsan, iyagoo ku hamiyaya inay difaacdaan koobkooda. Waxay guulo muhiim ah ka soo hoyeen labadii kulan ee ugu horreeyay, iyagoo ka adkaaday naadiyada Chelsea iyo Ipswich Town.
Arsenal: Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan ku soo gashay awood iyo dar dar xoogleh. Ka dib markii ay si dirqi ah uga hartay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, Iyagoo u dagaalamaya sidii ay ugu guuleysan lahaayeen horyaalka xilli ciyaareedkan. Gunners waxey guul kala soo hoydey garoonka Aston Villa, kadib markii ay ku garaaceen 2-0, Goolasha waxaa u kala dhaliyay Leandro Trossard, oo shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 67aad, iyo Thomas Partey, oo isna goolkiisa ku hubsaday daqiiqaddii 77aad.
Liverpool iyo Chelsea: Labadan kooxood ayaa isku dayaya inay soo ceshadaan qaab ciyaareedkoodii xooganaa, kadib markii ay soo mareen xilli ciyaareedyo aan fiicneyn. Waxay sameeyeen isbedelo waaweyn oo ku aaddan saxiixyada cusub, iyagoo u diyaar garoobaya inay u dagaallamaan boosaska sare ee horyaalka.
Manchester United: Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan Premier League ku bilaabatay si aan degganeyn, iyagoo la kulmay natiijooyin isku dhafan bilowga xilli ciyaareedka. Inkastoo ay guulo gaartey kulamo qaar, haddana waxay la kulmeen guuldarrooyin niyad jab leh. Kooxda waxay muujisay daciifnimo dhanka difaaca iyo qaab ciyaareed aan joogto ahayn. Dhanka kale, kooxda Brighton & Hove Albion ayaa soo bandhigtay ciyaar awood leh oo ay kaga adkaatay Manchester United 2-1. Goolasha Brighton waxaa u dhaliyay Danny Welbeck iyo Joao Pedro, halka Amad Diallo uu dhaliyay goolka kaliya ee Manchester United. Natiijadan ayaa Brighton ka caawisay inay sii waddo bandhiggooda wanaagsan ee xilli ciyaareedkan, halka Manchester United ay weli la daalaa-dhacayso sidii ay u heli lahayd natiijooyin wanaagsan.
Gunaanad
Inkastoo Manchester United ay weli ku jirto marxalad ay isku dayayaan inay helaan qaab ciyaareedkooda ugu fiican, waxaa la filayaa in natiijooyinkooda ay soo hagaagaan marka ciyaartoydooda cusub ay si fiican ula qabsadaan kooxda iyo ciyaartoyda dhaawaca ka soo laabanayaan. Ciyaarahan waxay muujinayaan sida ay u adag tahay tartanka Premier League-ga xilli ciyaareedkan, iyadoo koox waliba isku dayeyso inay u dagaallanto booskeeda sare ee miiska kala sarreynta. Tartanku wuxuu noqon doonaa mid sii kululaanaya maadaama kooxo badan oo waaweyn ay isku diyaarinayaan ciyaaraha soo socda si ay u helaan dhibco muhiim ah oo ka caawin kara inay ku guuleystaan horyaalka ama ugu yaraan ay u soo baxaan tartamada Yurub ee xilli-ciyaareedka soo socda. Arsenal ayaa u muuqata inay tartanka si dhab ah ugu jirto, halka Manchester United ay weli ka shaqaynayso sidii ay u hagaajin lahayd qaab ciyaareedkeeda si ay uga soo kabato guuldarrooyinkii hore.