Madaxweynaha Somalia oo Khadka Taleefanka kula hadley Dhiggiisa Turkiga
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka, telefoonka kula hadley dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyagoo ka wada hadlay adkeynta xiriirka labo geesoodka ah ee ay wadaagaan labada dowladood.
Wadahadallada ayaa ku saleysnaa arrimo muhiim ah sida amniga, iskaashiga dhaqaalaha, iyo fursadaha maalgashi ee labada dhinac.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Turkiga doorkiisa firfircoon ee taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan garab istaagga dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag.
Dhankiisa, Madaxweyne Erdoğan ayaa ballan qaaday in Turkigu sii wadi doono kaalmada dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, iyo mashaariicda horumarineed, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay mudan tahay in laga taageero dhismaha dowladnimo iyo kobcinta dhaqaalaha.
Dowladda Turkiga ayaa dhawaan la saxiixatay Soomaaliya heshiisyo istiraatiiji ah oo la xiriira sahminta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan kalluumeysiga iyo shidaalka. Heshiisyadan oo u muuqda kuwa si weyn ugu danaynaya Ankara ayaa dhaliyay su’aalo la xiriira daahfurnaanta iyo qeybsiga kheyraadka