Mas’uuliyiin ka Socda Dawlada Turkiga oo Gaarey Boosaaso
Boosaaso, Puntland Online – Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta martigelisay wafdi ballaaran oo ka socda safaaradda dowladda Turkiga ee Soomaaliya, kuwaasoo ay weheliyaan saraakiil ciidan. Socdaalka wafdigan ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay muddo toddobaadyo ah gacanta ku hayso markab lagu magacaabo Sea World, oo siday shixnado hub ah iyo gaadiid dagaal.
Ilo-wareedyo rasmi ah oo ay la xiriirtey Puntland Online ayaa xaqiijiyey in wafdiga Turkiga ay qorsheynayaan inay kulan gaar ah la yeeshaan Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, kaasoo mudooyinkii danbe ku sugnaa magaalada Boosaaso. Kulanka ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xaaladda murugsan ee la xiriirta markabka iyo cida rasmiga ah ee iska leh shixnadda hubka ah ee saaran.
Markabka Sea World ayaa laga soo raray dekedda magaalada Izmir ee dalka Turkiga, isagoo sida la sheegay kusii jeeday magaalada Muqdisho, balse waxaa lagu qabtay biyaha xeebaha Puntland gaar ahaan degmada Bareeda ee gobolka Raas-Casayr. Tan iyo markaas, waxaa socday baaritaanno ku saabsan sababta uu u marayey marin aan rasmi ahayn iyo cida dhab ahaantii iska leh hubka uu sido.
Warar kala duwan oo laga helay ilo amni ayaa tilmaamaya in ganacsato ka soo jeeda magaalada Muqdisho iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ay si gaar ah ula xiriireen Dowladda Puntland, iyagoo sheegtey in shixnadda saaran markabka ay iyagu leeyihiin.
Dowladda Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin nuxurka wadahadalada socda, hase yeeshee ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso in arrintan lagu wajaho si sharci ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee la xiriira hubka iyo badqabka gobolka.