Dagaalka Suudaan: Tirada Dhimashada oo Gaartay 60,000 Qof
Khartuum – Warbixin cusub oo ay soo saartay London School of Hygiene and Tropical Medicine’s Sudan Research Group
oo fadhigeedu Dalka Ingriiska ayaa daaha ka qaaday in tirada dhimashada ka dhalatay dagaalka ka socda dalka Suudaan ay si weyn uga badan tahay qiyaasihii hore. Cilmi-baaristu waxay tilmaantay in in ka badan 60,000 oo qof ay ku dhinteen gobolka Khartuum 14-kii bilood ee ugu horreeyay dagaalka, taas oo ka dhigan tiro aad uga badan xogihii hore.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 26,000 oo qof ay si toos ah ugu dhinteen rabshadaha dagaalka, halka inta kale ay u dhinteen gaajo iyo cuduro ka dhashay xaaladda bani’aadamnimo ee sii xumaaneysa.
Abdulazim Awadalla, oo ah maareeyaha urur ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirka Sudan (Sudanese American Physicians Association,) ayaa sheegay in qiyaasta lagu sheegay warbixinta ay u muuqato mid sax ah. Waxa uu intaas ku daray in nafaqo-xumada iyo cudurrada ay sii kordhiyeen tirada dhimashada. “Cudurro fudud ayaa dilaya dadka, sababtoo ah habka-difaaca jirka ayaa aad u daciifay,” ayuu yiri Abdulazim.
Tirada Dhimashada oo Aad uga Badan Qiyaasihiisi hore
Xogtan cusub ayaa si weyn uga sarreysa tirakoobyo kale oo ay bixiyeen hay’ado caalami ah, oo ay ka mid tahay Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED), oo fadhigeedu yahay Washinton USA, ayaa sheegtay in muddadii 14-ka bilood ahayd guud ahaan dalka Suudaan ay ku dhinteen 20,178 qof.
Dagaalka Suudaan ayaa bilowday bishii Abriil 2023, kaddib markii uu is-qabqabsi awood kala riixasho ah, dhex maray ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogagga paramilitary- Rapid Support Forces (RSF), kuwaas oo ku muransanaa xukunka intii lagu guda jiray qorshe lagu dhisayey Dawlad rayid ah.
Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay dambiyo dagaal, oo ay ku jiraan xasuuqa loo geystey dadka rayidka ah. Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay bishii Sebtembar ayaa sheegtay in xadgudubyada labada dhinac ay u muuqdaan kuwa gaaray heer ah dambiyo dagaal.
Dagaalka ayaa sababay barakaca 11 milyan oo qof, wuxuuna horseeday xaalad cunto-yari oo ka dilaacdey guud ahaan dalka Suudaan, sida lagu sheegay warbixinta Qaramada Midoobay. Ku dhawaad 25 milyan oo qof oo ah kala bar dadka Suudaan ayaa hadda u baahan gargaar bani’aadanimo.
Justin Lynch, oo ah lataliye madax-bannaan oo ku takhasusay arrimaha Suudaan, ayaa dagaalkan ku tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu naxdinta badan ee dhacaya qarnigan 21-aad. “Waa dagaal galay weji cusub oo naxariis darro ah,” ayuu yiri Justin lynch. Inta badan rabshadaha dagaalka waxay ka dhaceen Magaalada caasimada ah ee Khartuum.
Cilmi-baarayaal ayaa tilmaamay in xitaa xilligii nabadda ay aheyd Sudaan in aan dhimasho badan laga diiwaangelin Suudaan, sababo la xiriira nidaamyada caafimaadka iyo diiwaangelinta oo aan si fiican u shaqeyn jirin taas oo adkeysay in la helo xilligaan oo dagaal socdo tirada dhimashada rasmiga ah.
Waqtigan, iyadoo dagaalku sii xoogaystay, dadku waxay go’doon ka yihiin goobihii lagu diiwaangelin jiray dhimashada, sida Isbitaallada iyo Xabaalaha oo way adag tahay in la ogaado tirada dadka ku dhimanaya colaada ka aloosan dalkaas.
Cilmi-baarayaasha Sudan Research Group waxey isticmaaleen hab lagu magacaabo “capture-recapture,” oo horey loogu adeegsaday xaalado kale oo dagaal iyo masiibooyin horey u dhacey, sida dibadbaxyadii dimuqraadiyadda Suudaan ee 2019 iyo Masiibaadii COVID-19. Habkan ayaa lagu qiyaasaa dhimashada iyadoo la isbarbardhigo xogaha laga helay ilaha madax-bannaan ee kala duwan.
Paul Spiegel, oo madax ka ah Center for Humanitarian Health ee Johns Hopkins Bloomberg School of Public Health, ayaa sheegay in habkan uu yahay isku day muhiim ah oo lagu soo bandhigayo dhibaatada dagaalka Suudaan, inkasta oo ay jiraan caqabado ku xeeran tirakoobka.
Wasaaradda Caafimaadka ee Suudaan ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay diiwaangelisay ay tahay 5,565 qof oo kaliya, taas oo aad uga hooseysa xogta ay soo bandhigeen cilmi-baarayaasha madaxa-bannaan.
Ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF ayaa midba midka kale ku eedeeyay khasaaraha shacabka soo gaaray. Afhayeenka ciidanka dowladda, General Nabil Abdallah, ayaa sheegay in RSF ay si ula kac ah u bartilmaameedsatay dadka rayidka ah. Dhanka kale, RSF ayaa ku eedeysay ciidamada dowladda in dhimashada Khartuum ay sabab u tahay duqeymo iyo hub culus oo ay isticmaaleen ciidamada Dawlada.
Dagaalka Suudaan ayaa weli socda, iyadoo xaaladda bani’aadanimo ee dalkaasi ay kasii dareyso maalin maalinta ka danbeysa.