Hoggaamiye sare oo katirsanaa Daacish oo lagu dilay hawlgal ay fuliyeen ciidamada Puntland

Share this Post

Ciidamada difaaca Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad, ayaa Khamiistii, 15-ka May 2025, fuliyey hawlgal millateri oo gaar ah, kaas oo ka dhacay buuraha Calmiskaad, gaar ahaan deegaanka Gurya-Samo. Hawlgalkaasi waxaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa ururka Daacish, laguna magacaabi jiray Axmed Muuse Siciid (Beeldaaje), kaas oo kooxda u qaabilsanaa howlaha dibadda iyo soo xeraynta dagaalyahanada ajnabiga ah.

Sida ay ilo-wareedyo amni xaqiijinayaan ciidamada Puntland ayaa dagaal ay la-galeen kooxda Daacish kadib gacanta ku dhigey meydka hoggaamiyahan, si ay u xaqiijiyaan aqoonsigiisa.

Xalay oo tariikhdu aheyd 19, May 2025 ayay dowladda Puntland si rasmi ah ugu dhawaaqday in Axmed Muuse lagu dilay hawlgalkaasi, waxayna sheegtay in uu door weyn ku lahaa xiriirada dibadda ee kooxda iyo qorsheynta keenista xubnaha ajaanibta ah ee kusoo biira ururka.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur, ayaa warbaahinta u sheegay in Beeldaaje uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu halista badan ee ururkaasi, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa maskaxda ka dambeysa dadaallada lagu keenayo xubnaha ajaanibta ah ee kusoo biira ururka argagixisada Daacish .

Axmed Muuse Beeldaaje, oo asal ahaan kasoo jeeda Gobolka Bari ee Puntland, ayaa muddo badan ku noolaa dalka Imaaraatka Carabta halkaas oo uu ka helay xirfado luuqadeed iyo tababaro ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed. Tani ayaa sababtay in uu noqdo xiriiriye muhiim u ah Daacish, gaar ahaan dhinaca xiriirka caalamiga ah


Share this Post