Waa Kuma Donald Trump? Waa Maxey Siyaasaddiisa Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe: Maxaase Laga Filan Karaa?”
Madaxwaynihii horey ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Mareykanka ee 6 November 2024, isagoo kaga guuleystay Kamala Harris, oo ahayd musharraxa xisbiga Dimuqraadiga kadib markii Joe Biden uu go’aansaday inuu ka haro tartanka. Guusha Trump ayaa ka dhigtey inuu kusoo laabto markale aqalka cad, isagoo noqonaya madaxweynihii 47-aad ee Mareykanka.
Guushiisa ayaa timid iyadoo uu wajahayey eedeymo sharci, oo ay ka mid yihiin dacwadaha la xiriira doorkiisii ku aadanaa kacdoonkii 6-da Janaayo 2021, khiyaamooyinka ganacsi, iyo kiiska dokumentiyada qarsoon.
Waa Kuma Donald Trump?
Trump waa ganacsade Mareykan ah, hantiile caan ah, siyaasi, iyo madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka (2017-2021). Wuxuu ku dhashay New York City 14-kii June 1946. Taariikhdiisa waxbarasho waxay kabilaabatey dhigashada Kulliyadda Fordham iyo
Jaamacada University of Pennsylvania, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada ganacsiga.
Ganacsigiisu wuxuu la xiriiraaa hantida ma-guurtada ah, isagoo Hotelo waawayn ku leh magaalada New York iyo inta badan Mareykanka. Noloshiisa siyaasadeed waxay bilaabatay markii uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha Mareykanka 2016, isagoo ka sharaxnaa Xisbiga Jamhuuriga, doorashadaas oo ku noqdey madaxwaynihii 45-aad ee Mareykanka.
Trump wuxuu leeyahay qoys weyn oo caan ah. Xaaskiisa waa, Melania Trump, waa marwada hada joogta ee Trump, waxaana uu leeyahay shan carruur ah, oo ka la ah Ivanka, Donald Trump Jr., iyo Eric Trump oo ganacsiga qoyska kula jira.
2. Siyaasadda Trump ee Bariga Africa
Intii uu xilka hayey (2017-2021), Trump ma siin Afrika mudnaan siyaasadeed oo weyn. Sidoo kale Trump waligii ma soo hadal qaadin intii uu ku jiray, ololaha doorashada wax la xiriira arrimaha Afrika gaar ahaan mandaqada Bariga Afrika ee ay ku taallo Soomaaliya, balse si ka duwan ololihiisii hore ma jirin hadallo ka dhan ah Soomaaliya oo uu sheegay. Muddo xileedkiisii hore Trump, wuxuu Soomaaliya kala baxey ciidankii Mareykanka ka joogey balse arrimaha isha lagu hayo hadda waa sida uu ka yeeli doono khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriira arrimaha badda, xilli dhinaca Itoobiya laga arkay inay door bidayeen inuu doorashada Mareykanka ku soo baxo Trump, waxay Addis xiriir wanaagsan la leedahay Tel Aviv iyo Abu Dhabi oo saameyn ku leh Trump, si ka duwan Soomaaliya , si kastaba ha ahaatee ma jirto filasho ah inuu faragelin ku sameynayo khilaafkan isagoo si cad dhinac u taageerraya.
Saamaynta tarxiilka Trump ku dhawaaqay !
Horaantii ololihiisa wuxuu yidhi waxaan samayn doonaa “ the largest domestic deportation operation in American history” oo ula jeedo tarxiilkii ugu waynaa taariikhda mareykanka ayaan samayn doonaa haddii aan kursiga ku fadhiisto, isagoo xusey xataa haddii loo baahdo inuu isticmaali doono ciidanka milatariga qaranka, dhanka kalena uu ka dhisi doono xabsiyo agagaarka darbiga laga boodo.
Wuxuu xusey in uu isticmaali doono sharci 226 jirsadey, oo lagu magacaabo “Alien Enemies Act” kaasoo daaran qaraar madaxwaynuhu ku tarxiili karo xilliyada dagaalka qof kasta oo aan muwaadin ahayn, kana soo jeeda wadan cadaw ku ah danta mareykanka, jiritaanka mareykankana saddex jeer oo kaliya ayaa la dhaqan galiyey sharciga kan, iyadoo xeel dheereyaal sharci yaqaano ahi ku doodeen inaanu awood u lahayn Trump isticmaalka sharcigan “Alien enemies act” xilli wadanku nabad yahay, dhanka kalena waxay khuburo siyaasadeed xuseen in dhaqan galka sharcigani wajihi doono caqabado sharci oo door ah.
Balanqaadka Trump wuxuu dhanka kale ka hor imanayaa awooda ICE ( immigration and customs enforcement) oo la sheego inay sanadkii ay ugu badnayd tarxiileen 400,000 oo qof oo kali ah, iyadoo la qiyaasayo tirada tahriibayaasha aan la diwaangalin ee wadanka ku sugan inay tahay 11 Million oo qof, taasoo wadar ahaan ka dhigan inuu muddo xileedkiisa tarxiili karo 1.6 Million hadduu isticmaalo laamaha sharci ahaan u qaabilsan waa ICE.
Dagaalada Bariga Dhexe (Lubnaan iyo Gaza)
Trump wuxuu ballan qaaday inuu keeni doono “nabad” Bariga Dhexe—taas oo macnaheedu yahay inuu soo afjari doono dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza iyo sidoo kale dagaalka Israa’iil iyo Xisbullah ee Lubnaan—laakiin weli si cad uma uusan sheegin sida uu taas u fulin doono.
Wuxuu marar badan sheegay in haddii uu xukunka hayn lahaa, Xamaas aysan weerari lahayn Israa’iil, sababtuna ay tahay siyaasaddiisii ku dhisneyd cadaadiska ee uu saarayay Iran, oo ah dalka maalgeliya Xamaas iyo Xizbullah.
Sida guud ahaan la filan karo, Trump wuxuu isku dayi doonaa inuu dib ugu laabto siyaasaddiisii hore mid lamid ah taas oo ahayd inuu Mareykanka ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee Iran, sidoo kale cunaqabatayn xooggan kusoo rogo Tehran.
Xilligii uu xukunka hayay, Trump wuxuu qaadi jiray siyaasado taageero xooggan u ah Israa’iil, isagoo u aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxaana uu safaaradda Mareykanka u soo wareejiyay Qudus, taas oo laga soo wareejiyay Tel Aviv—tallaabadan waxay aad u dhiirrigelisay taageerayaashiisa Kiristaanka evangelical-ka ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Trump ku tilmaamay “saaxiibkii ugu wanaagsanaa ee Israa’iil abid ku yeelato Aqalka Cad.”
Laakiin dadka dhaliila siyaasadiisa waxay ku doodayaan in siyaasaddiisa gurracan ay gobolkan ka dhigtay mid aan xasilloonayn.
Falastiiniyiintu waxay qaadaceen maamulka Trump sababo la xiriira Washington oo gebi ahaanba iska indho-tirtay sheegashadooda Qudus—oo ah magaalada taariikhiga ah ee udub-dhexaadka u ah nolosha Falastiiniyiinta iyo diinta Islaamka.
Dhan kale Waxay sidoo kale go’doon sii galeen markii Trump uu dhexdhexaadiyay heshiisyadii loo yaqaanay “Heshiisyadii Ibraahim,” oo ahaa heshiisyo taariikhi ah oo dib loogu hagaajinayay xiriirka diblomaasiyadeed ee gumeystaha Israa’iil iyo dhowr waddan oo Carab iyo Muslim ah. Heshiiskan ayaa la galay iyadoon Israa’iil laga dalbanin inay aqbasho dhismaha dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin oo mustaqbalka madax-bannaan—oo ah wax ay waddamada Carabta horay shardi uga dhigeen marka laga hadlo heshiis kasta oo noocan ah.
Waddamadii heshiiska galay waxaa loo oggolaaday inay helaan hub casri ah oo Mareykanku leeyahay, iyaga oo beddelkeeda aqoonsaday Israa’iil.
China iyo dagaalka Ganacsiga
Mareykanka wuxuu ula dhaqmaa Shiinaha si istaraatiiji ah marka loo eego siyaasadaha arrimaha dibadda, taas oo saameynta ugu wayn ku leh amniga iyo ganacsiga caalamka. Xilligii uu xafiiska joogay, Trump wuxuu ku tilmaamay Shiinaha “tartame halis ah” wuxuuna canshuur dheeraad ah ku soo rogay qaar ka mid ah badeecadaha laga keeno Shiinaha. Tallaabadani waxay sababtay in Beijing ay canshuur dul-dhigto badeecadaha laga soo dhoofiyo Mareykanka, iyadoo labada dhinac ay bilaabeen dagaal ganacsiyeed xooggan.
Waxaa jiray isku dayo lagu doonayay in lagu dejiyo khilaafka ganacsi, balse cudurkii Covid-19 ayaa si xun u saameeyay fursadahaas, iyada oo xiriirka labada dal uu sii wayn u xumaaday markii Trump uu Covid 19 ugu yeeray “cudurka Shiinaha”.
Inkasta oo maamulka Biden uu sheegay inuu qaadanayo siyaasado xasiloon oo ku aaddan Shiinaha, haddana waxa uu sii waday canshuurtii uu Trump soo rogay, taasoo weli saaran badeecadaha Shiinaha ee Mareykanka loo soo dhoofiyo.
Trump ayaa amaanay Madaxweyne Xi Jinping isagoo ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye “caqli badan oo halis ah,” kaas oo si adag u maamula dad kor u dhaafaya 1.4 bilyan oo qof. Dhaleeceeyeyaashiisu waxay arrintan ku macneeyeen in Trump uu jecel yahay “kaligood taliyeyaasha”.
Waxaa la filayaa in Trump uu ka weecdo siyaasadii Biden ee ahayd in la xoojiyo iskaashiga amniga ee uu Mareykanku la leeyahay dalalka gobolka, si loo xakameeyo Shiinaha.
Mareykanka ayaa sii waday taageerada millatari ee uu siiyo Taiwan, oo ah jasiirad iskeed isu xukunta, balse Shiinahuhu uu arko inay tahay gobol go’ay oo ugu dambayn hoos iman doona Beijing.
Trump ayaa bishii Oktoobar sheegay in haddii uu dib ugu soo laabto Aqalka Cad, uusan u baahnaan doonin inuu adeegsado awood ciidan si uu uga hortago in Shiinaha go’doomin kusoo rogo Taiwan, sababtoo ah Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa og inaan ahey nin “waalan,” islamarkaana wuxuu ku hanjabay inuu saari doono canshuur dheraad ah badeecadaha Shiinaha haddii ay taasi dhacdo. Ayuu yiri Trump