Sacuudi Carabiya Oo Digniin Adag Ka Bixisay Tallaabooyinka Imaaraadka Ee Yemen
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si rasmi ah u muujisay walaac xooggan oo ku aaddan tallaabooyin ay Imaaraadka Carabta ka wadaan bariga dalka Yemen, kuwaas oo la xiriira dhaqdhaqaaqyo militari oo lagu abaabulayo Golaha Koonfurta Kala-guurka (STC) ee Yemen.
Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Imaaraadku ay ku lug leeyihiin hubeynta iyo tageero ay siinayaan kooxda STC, si ay u fuliyaan hawlgallo ciidan oo ka socda gobollada Hadramout iyo Al-Mahara, kuwaas oo ku yaalla meel istiraatiiji ah oo ku dhow xuduudda koonfureed ee Sacuudiga.
Riyadh waxay arrintaas ku tilmaantay mid si toos ah u taabanaysa amniga qaranka Boqortooyada, isla markaana khatar ku ah xasilloonida guud ee gobolka. Sacuudigu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhaqdhaqaaqyadaas ay dhaafeen heer la aqbali karo, islamarkaana aysan u dulqaadan doonin wax kasta oo khatar gelinaya amnigeeda iyo xuduudaheeda.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in tallaabooyinka Imaaraadka ay ka hor imaanayaan mabaadi’da iyo ujeeddooyinkii lagu dhisay Isbahaysiga Carabta ee Yemen, gaar ahaan heshiiskii lagu ballanqaaday in la taageero dowladnimada Yemen iyo midnimadeeda dhuleed.
Gebogebadii, Sacuudi Carabiya ayaa ugu baaqday Imaaraadka Carabta inay ixtiraamaan codsiga dowladda Yemen, isla markaana ay si degdeg ah u bilaabaan ka bixitaanka dhammaan ciidamadooda ee dalka Yemen, ayna joojiyaan taageero kasta oo militari ama dhaqaale oo ay siinayaan dhinacyada hubeysan oo ka jira dalkaas.
Tallaabadan Sacuudiga ayaa loo arkaa mid muujinaysa kala aragti duwanaansho sii xoogeysanaya oo u dhexeeya laba dal oo hore uga wada tirsanaa Isbahaysiga Carabta, xilli Yemen ay weli la daalaa-dhacayso colaado daba dheeraaday iyo xaalad bani’aadannimo oo adag.

