Ciidamada Suudan oo La Wareegay Magaalada Istiraatiijiga ah ee Wad Madani

Share this Post

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan oo ay wehliyaan xoogag xulafadooda ah oo u badan dadka degaanka ayaa ku guuleystay inay dib ula wareegaan magaalada Wad Madani oo ku taalla gobolka Jaziira ee dalka Suudaan. Magaaladaan ayaa muddo ka badan hal sano waxay gacanta ugu jirtay xoogagga Gurmadka Degdegga ah ee Rapid Support Forces (RSF), sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska milatariga Suudaan.

War qoraal ah oo kasoo baxay ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen magaalada, iyagoo sidoo kale sheegay inay wadaan hawlgal nadiifin ah oo ka dhan ah xoogag ka tirsan RSF oo weli ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah magaalada.

“Waxaan ugu hambalyeynaynaa shacabka Suudaan guusha weyn ee ciidamada qalabka sida, kuwaas oo gudaha u galay magaalada Wad Madani,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka, Khalid al-Aiser, ayaa sheegay in ciidanku “xoreeyey” magaalada. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay arrintan guul muhiim ah oo lagu wiiqay awooddii RSF ee gobolka Jaziira. Sidoo kale, ciidamada ayaa baraha bulshada ku baahiyey muuqaalo muujinaya iyagoo ku sugan gudaha Wad Madani, taas oo lagu tilmaamay inay tahay calaamad muujinaysa in RSF laga saaray magaalada oo ah mid ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Qirashada Guuldarrada ee RSF

Mohamed Hamdan Dagalo, oo loo yaqaan Xameeti ahna hoggaanka sare ee RSF, ayaa khudbad uu ku baahiyey baraha bulshada, gaar ahaan barta Telegram, ku qirtay guuldarrada soo gaartay ciidankiisa. Balse wuxuu ku adkeystay in dagaalku uusan weli dhammaan oo uu socon doono.

“Waxaan luminay magaalada Wad Madani, balse dagaalku wuu sii socon doonaa. Waxaan u baahanahay in aan dib isu abaabulno, qiimeyno xaaladda, oo aan soo ceshano magaalada,” ayuu yiri Xameeti. Xameeti ayaa dhanka kale guuldarrada ku eedeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay isticmaalaan ciidanka Suudaan, kuwaas oo uu sheegay in laga keenay Iran, iyo dagaalyahanno ka socda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya.

Ahmiyadda Istiraatiijiga ah ee Wad Madani

Wad Madani waa magaalo muhiim ah oo istiraatiijiyad ahaan ku taalla isgoyska waddooyinka isku xira gobollada muhiimka ah ee dalka Suudaan. Waxay sidoo kale ku dhowdahay caasimadda Khartoum, taas oo ka dhigaysa mid muhiim u ah istiraatiijiyadda dagaalka ee labada dhinac.

Markhaatiyaal ku sugan magaalada ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidanka iyo xulafadooda ay si buuxda ugu faafeen waddooyinka magaalada oo dhan, iyagoo ka wada hawlgal lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida magaaladaas.

Xadgudubyada Dagaalka iyo Saameynta Bani’aadminimo

Tan iyo bilowgii dagaalka bishii Abriil 2023, labadan dhinac ee ku loolamaya awoodda Suudaan ayaa lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo ba’an oo ay ka mid yihiin duqeymo aan loo meel dayin, bartilmaameedsiga dadka rayidka ah, iyo falal ay kamid yihiin kufsi iyo dhac baahsan.

Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in RSF ay “geysteen xasuuq” ka dhan ah shacab rayid ah, isagoo sidoo kale cunaqabateyn saaray hoggaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Dagalo (Xameeti), iyo shirkado laga leeyahay waddanka Isutaga Imaaraadka Carabta kuwaas oo lala xiriiriyey inay RSF ka taageeraan dhinacyada hubka iyo dhaqaalaha.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo guddiyada dagaalka ee dalkaas ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu qabsaday Wad Madani, iyagoo ku tilmaamay inay soo afjartay “heeryadii RSF” ee shacabka ku nool magaalada Wad Madani.

Barakaca iyo Dhibaatooyinka Ka Dhashay Dagaalka

Tan iyo bilowgii colaadda, in ka badan 12 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha Suudaan, taas oo noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadminimo ee ugu daran caalamka. Gobolka Jaziira ayaa markii hore hoy u noqday boqollaal kun oo qoysas qaxooti ah, hase yeeshee weerar ay RSF ku qaadeen bishii Diseembar sanadkii 2023 ayaa sababay barakaca boqollaal kun oo qof oo dheeraad ah.

Xaaladda colaadeed ee Suudaan ayaa weli cakiran iyadoo ciidanka Suudaan ay maamulayaan waqooyiga iyo bariga dalkaas, halka RSF ay weli gacanta ku hayso qaybo ka mid ah gobolka Jaziira, Darfur, iyo koonfurta Suudaan

Maqaalkan waxaa turjumay Puntland Online wuxuuna ku saleysan yahay warbixin ay baahisay warbaahinta  Al Jazeera

Share this Post