Wasaarada Arimaha gudaha Puntland oo Go’aano Adag Ka Soo Saaray Ajaaniibta

Share this Post

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku shaacisay go’aammo ku saabsan dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulka iyo kuwa soo galaya, xilli dagaal culus uu ka socdo gobollka Bari oo ay kooxda argagixisada Daacish ku sugan tahay, kuwaas oo sida la sheegay ay ka mid yihiin ajaaniib badan.

Wasaaradda ayaa gebi ahaanba mamnuucday in qof ajnabi ah oo aan sharci ku joogin deegaannada Puntland laga kireeyo guri ama loo oggolaado shaqo. Sidoo kale, waxaa laga reebay in ajaaniibtu ku tuugsadaan goobaha dadweynaha, halka shirkadaha isgaarsiinta laga mamnuucay inay Sim-Card siiyaan qof ajnabi ah oo aan haysan aqoonsi sharci ah.

Go’aammada cusub ee wasaaradda:

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay qodobada soo socda:

1. Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.

2. waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.

3. waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.

4. Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.

5. Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.

Go’aanadad ayaa kusoo aadey iyadoo Puntland ay dagaal kula jirto argagixisada Daacish, oo sida la sheegay 90% u badan yihiin ajaaniib, taasoo  kaliftay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ay qaado tallaabooyin adag si loo xakameeyo dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaanka.”


Share this Post